10 Shay aan Iskuulka Lagu Dhigin oo Noloshaada Wax ka badelaya

Qadar intee la eg ayaad ka adeegsataa wixii aad kusoo baratay iskuulka? Haddii aad la mid tahay dadka intooda badan jawaabtu waa wax yar. Waxaan kusoo diyaarinay, 10 shay aan iskuulka lagu dhigin oo nolosha wax ka badelaya.

Yaraantaadii ma aadan ahayn qof arintaan su’aal gelin kara. Si kastaba ha ahaatee, markasta aad sii weynaato, waxaad arkaysaa daldalooro badan oo xaga aqoontaada ah oo la rabay inaad iskuulka ku soo dhigato. Waxaad is weydiinaysaa mararka qaar, waxbarashadii iskuulka in ay ahayd in laguu qaabeeyo shaqaale waxtar leh oo hoggaansama. Haddaba sidee u buuxin kartaa booskaas banaan? Tallaabada koowaad waa inaad aqoonsataa maadooyinka aad u baahan inaad barato, kadibna is bartaa. Si aan kaaga caawiyo tallaabada koowaad, waxaan kuu soo diyaariyay 10 qodob aan iskuulka lagugu soo barin laakiin aad u baahan tahay inaad ogaato. 

Sida wax loo iibiyo

Aniga ahaan, shaqada sida loo kala sareeyo muhiim maaha. Qofkastaa waa iibiye, waa habka kaliya aan ku joogtayn karno ganacsiga. -Harvey Mackay. Dhammaanteen waxaanu nahay dad wax iibiya, laakiin iibka aan samayno lacag kaliya maaha. Middaas badalkeeda, waa inaad qof ku qancin karto, in uu waqtigiisa firaaqada ku bixiyo inuu kaa caawiyo hawlahaaga. Waxaa la dhihi karaa waa xirfada kaliya ee nolosha ugu muhiisan, sababtoo ah waa inaad mar uun dadka kale wax ka dhaadhiciso.

Fashilaada iyo guuldarada

Si aad qofka u barto xirfad dhab ah, bar sida loo qaato go’aamada khatarta ah, iyo sida uu fashilka iyo guuldarada nolosha uga mid tahay. Mana aha arin lagu barto iskuulka. Dhammaanteen waxaan wajahnaa guuldarrooyin nolosha ah, barashada sidii aad wax uga qaban lahayd guuldarrada waa irin aan lagu barin iskuulka. In aan lagu barin sidii aad u wajihi lahayd guuldarrada, waxay cawaaqib xumo ku keenaysaa hormarkaaga dambe. Ogow, guuldarrada waa qayb ka mid ah nolosha, ma aha wax la iska ilaalin karo, hana quusan sababtoo ah dadka intooda badan waa ay rajo dhigaan guuldarrada ugu horeysa. 

Sida loo maareeyo dhaqaalahaaga

Iska ilaali kharashaadka yar yar, dhibic yar ayaa quusin karta markab. -Benjamin Franklin. Xaqiidka marka laga hadlo, yaa humiimsan xifdinta dagaal aan la aqoon goorta uu dhacay, iyo barashada sidii aad u maarayn lahayd dhaqaalahaaga?  Horta lacagta farxad ma iibiso, laakiin jeeb qalalan qof noolaan kara ma jiro. Hadaba, sidee qofka loogu ogolaaday inuu banaanka usoo baxo isagoo waxba ka garanayn dhaqaalaha? Intee in la eg ayaa laga fogaan karaa walwalka dhaqaale, haddii aad heli lahayd dhowr cashar oo ku saabsan maaligashiga iyo kaydka lacagta? Dadka intooda badan ma oga, haddii aan saddexdaan tallaabo oo fudud qaadi lahayd, in aad ka badbaadi lahayd dayn lagugu yeesho, iyo inaad weligaa mushaar qaadato. 

Tallaabada koowaad: ha isticmaalin in ka badan inta aad qaadato (dayn ha gelin). Tallaabada labaad: dhigo 15% mushaarkaaga, inta aadan bixin kharashaadkaaga kale. Tallaabada saddexaad: dhis sanduuqa gurmadka (waxaa loogu tala galay haddii ay kusoo wajahdo xaalad caafimaad iwm) kuna bilow kharashka kugu bixi kara bil.  

Sida looga fikiro mustaqbalka fog. 

Halgankeenu waa casharrada gaaban ee aan baranno si aan u gaadhno guusha  mustaqbalka fog. -Simon Sinek. Furayaasha guusha waxaa ka mid ah inaad mushtaqbalka fog ka fikiri karto. Waa wanaagsan tahay inaad leedahay hadaf gaaban oo mustaqbalka dhow ah, laakiin waa inaad yeelataa qorshe mustaqbalka fog ah. In badan oo naga mid ah ayaa ku qaldama in hadda doortaan midda fudud (waa mustaqbalka dhow), halkii ay ka dooran lahaayeen midda adag (mustaqbalka fog) oo ay kugu qaadan doonto waqti dheer in laga miro dhaliyo. Xusuusnow guusha ku ma timaado habeen keliya, waxay u baahan tahay qorshe waqti dheer ah. 

Waxaan kuu soo gudbinayaa saddex arimood oo kaa caawinaya inaad ka fikirto mustaqbalka fog. Arinta koowaad: iswaydii halkee ayaad rabtaa inaad joogta 5 sano, 10 sano iyo 20 sano ee soo socda? Arinta labaad: meel ku qoro tallaabooyinka aad rabto inaad qaado si aad u gaadho meel sare. Arinta saddexaad: ka fakar sida uu aduunka u hormari karo inta lagu guda jiro muddadaas, iyo siddii aan naftaada uga faa’idayn lahayd.

Sida fikradaha loo soo bandhigo

Qofna ma xasuusan karo wax ka badan saddex qodob. -Philip Crosby. Wax kasta oo dunida yaalla waxay ka bilowdeen fikrad, laakiin way adag tahay in fikrad laga dhabeeyo. Waxaad u baahan tahay in aad dadka kale si cad uga dhaadhiciso fikradaada. Waana sababtaas awgeed ay muhiim u tahay inaad baratid sida loo soo bandhigo fikradaha. Fikradaha ugu fiican ma guulaystaan, ee waxaa guulaysta kuwa sida wanaagsan loo soo bandhigay. Saddexdaan tilmaan ayaa kaa caawinaya inaad soo bandhigtid fikrado wanaagsan. Tilmaamta koowaad: dadku ma rabaan xaqiiqda, waxay rabaan faahfaahin iyo sheeko. Tilmaamta labaad: ha isticmaalin luqad adag, adeegso ereyo fudud. Tilmaamta saddexaad: u soo bandhig fikradaada si cad, sida ay u xallinayso dhibaatada dadka. 

Sida go’aan wanaagsan loo qaato.

Go’aanka wanaagsan wuxuu ku yimaada qibrad iyo waayo-aragnimo, waayo-aragnimadu waxay ka dhalataa go’aan qaadashada xun. -Mark Twain. Maalintii waxa aynu go’aan qaadanaa 35,000 jeer, nolosha wanaagsan waxaa asal u noqonaya tayada go’aamadaas. Hal go’aan oo khaldan ayaa noloshaada dhan burburin kara. Haddaba sidee ayay taasi u noqon wayday muhiim in lagu barto iskuulada. Barashada sida go’aamada wanaagsan loo qaato waxay ku siinaysaa faa’iidooyin aad u badan. 

Saddexdaan qodob ayaa bilow wanaagsan kuu noqonaya. Qodobka koowaad: ha qaadan go’aamo waaweyn xilliga aad kulushahay, sida marka aad daalan tahay, gaajaysan tahay ama xanaaqsan tahay. Qodobka labaad: sii go’aamada muhiimka waqti, oo ku seexo. Qodobka saddexaad: baaritaan ku samee go’aamada la midka ah kuwa dadka kale ay qaataan. 

Sida loo xalliyo dhibaatooyinka. 

Inta badan caruurteena waxaan siinaa jawaabta mushkilada, meeshii aan ka bari lahayn sida loo xaliyo dhibta. -Roger Lewin. Goorme ahayd muddadii ugu dheerayd ee aadan la kulmin wax dhibaato ah? Jawaabtu waa muddo yar, sababtoo ah nolosha ayaa ah mushkilad iyo dhibaato aan dhamaanayn, waa wax aan la rumaysan karin in mawduucaan aan weligeed caruurta iskuulka loogala hadlin. Sida go’aan qaadashada, maalin walba waxaa taagan dhibaato u baahan in la xalliyo. Maxay tahay sababta aan caruurta loo barin? 

Hadaba saddexdaan tallaabo waxay inoo noqonaysaa billow. Tallaabada koowaad: baro 5 sabab ee lagu garto dhibaatada asalkeeda? Tallaabada labaad: xalli sababta dhibaatada ku timid, ha isku mashquulin calaamadaheeda. Tallaabada saddexaad: haddii ay kugu adag tahay inaad dhibaatada xalliso, dhinac kale ka eeg, rog rog illaa aad ka heshid xalkeeda. 

Sida loo bilaabo ganacsi. 

Bal qiyaas intee in le’eg ayay bulshadu fiicnaan kartaa haddii ilma kasta la baro sida loo bilaabo ganacsiga?  Waxaa xal loo heli lahaa dhibaatooyin badan oo jira. Laakiin caruurta badankood ma noqdaan ganacsadayaal, sabab? Sababtoo ah, sida caadiga ah waa in lagu takhasuso maadada kadibna xirfad laga sameeyo. Hadaba, bilaabista ganacsiga ma fududa, laakiin barashada qayb ka mid ah carqalada ganacsiga, waxay kaa caawinaysaa inaad iska ilaaliso khaladaad badan. 

Waa kuwan tilmaamayaasha qaar ka mid ah, oo tahay inaad qaadid, haddii aad ganacsi billaabaysid. Tilmaamta koowaad: u bilow ganacsi inaad dhibaato ku xaliso maaha inaad ku taajirto. Tilmaamta labaad: waqtigii aad ku tala gashay in ka badan ayay kugu qaadanaysaa, dulqaad ayaa lagaa rabaa. Tilmaamta saddexaad: ka dhig ganacsigaaga mid lagula wadaago, in saami lagu yeesho waxay ka dhigaysaa mid soo jiidasho leh.

Sida loo wada xidhiidho. 

Xidhiidhka wada hadalka waa shay kale oo aanu samayno maalin kasta, haddana caruurta laguma baro iskuulka. Xaqiiqdii, waxaa la baraa sida wax loo qoro, laakiin lama baro sida quman loo hadlo ama wax loo dhagaysto, waana labada shay ee ugu muhiimsan xidhiidhka. Markaad isku dartid saddexdaas (hadalka, dhagaysiga iyo qoraalka), waxaad noqonaysaa qof aan la loolin karin, waqti yar ayay kugu qaadanaysaa inaad dadka kale wax u sharaxdid oo aad qancisid. 

`Saddex arimood ayaa maskaxda lagu hayaa markay timaado xidhiidhka wanaagsan. Midda koowaad: ku celcelinta hadalka, markiiba ha u qaadan in lagu fahmay markaad hal mar aad hadalka tiraahdo. Midda labaad: baro sida wax loo dhagaysto, ogsoonow waxaad leedahay labo dhagood iyo hal af. Midda saddexaad: mar walba adeegso hadal faseex ah oo la fahmi karo.

Sida loo gorgortamo. 

Qofka gorgortamaya waa inuu wax walba isha kala socdaa. Waa fududahay in aad u malaysid in gorgortanka dhanka ganacsiga kaliya yahay, laakiin waa arin dhinacyo kala duwan ee nolasha ka jira. Waxaad la gorgortami kartaa qofka madaxda kuu ah, saaxiibkaa, lammaanahaaga iyo caruurtaada. 

W/Q Zakariye

3 thoughts on “10 Shay aan Iskuulka Lagu Dhigin oo Noloshaada Wax ka badelaya”

  1. Pingback: Sida Afrika Ganacsi Guulaysta Looga Bilaabo $100 wax kayar

  2. Pingback: QURBAC DHEERE VS ODAY DHURWAA - QURBACDHERE VS ODAY DHURWA

  3. Pingback: HURDADU BADANA - HURDADU BADANA- Abdiwahab Hassan - August

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *