Sida loo hanto waqtigaaga | Laura Vanderkam
Isbuucii waxaa ku jira 168 saacadood. Sidee waqti ugu helnaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosheena? Laura Vanderkam waa khabiir maaraynta waqtiga ah, waxay daraasad ka sameesay sida dadka mashquulka badan ay u maareeyaan waqtigooda. Waxayna ogaatay in badan oo inaga mid ah, inaan dhayalsano 168 saacadood aan isbuuci haysano. Laura Vanderkam, waxay bixinaysaa dhowr xeeladod ay ku sharaxayso, sidii aan waqti fiican ugu heli lahayn nafteena, iyo sidii aan waqtiga aan haysano ugu dhisi lahayn nolosheena.
Ku dhufo ciwaanka buluuga ah si aad muuqaalka u daawatid.
Grit: Awoodda Xamaasadda iyo Dulqaadka| Angela Lee Duckworth
Ka dib markay ka tagday shaqo heer sare ah oo la taliye ah, Angela Lee Duckworth waxay bilowday in maadada xisaabta ka dhigto fasalka toddobaad ee magaalada New York. Waxay markiiba ogaatay, in IQ aanu ahayn waxa kaliya ee kala saaraya ardayda guulaysata iyo kuwa kale. Waxay muuqaalkeeda ku sharaxaysaa aragtideeda ah “Grit” inay tahay saadaasha guusha. “Grit” waxay ku micneesay in aad xamaasad iyo adkaysi u leedahay aragtidaada fog. In aad tahay qof ku dhegan mustaqbalkiisa habeen iyo maalin.
Ku dhufo ciwaanka buluuga ah si aad muuqaalka u daawatid.
Sida Stress-ka saaxiib looga dhigto | Kelly McGonigal
Walaac. Wadnahaaga ayaa aad kuu garaaca. Neeftaada ayaa badata. Wejigana waa ka dhididaysaa. Laakiin iyada oo walaacu yahay cadowga bulshada, cilmi baaris cusub ayaa sheegaysa in walaacu kuu daran yahay, waa haddii aad adigu aaminsan tahay in ay xaaladu sidaas tahay. Kelly McGonigal waa aqoonyahan baratay cilmi-nafsiga, waxay nagu boorinaysaa in aan dhinac wanaagsan ka aragno walaaca, waxay ay inoo sheegaysaa hab wanaagsan oo lagu dhimi karo walaaca iyo walbahaarka. Taasoo ah: in aad la wadaagto dadka.
Ku dhufo ciwaanka buluuga ah si aad muuqaalka u daawatid.
Maskaxda qofka howsha dib u dhigta (Caajislow) | Tim Urban
Tim Urban wuu ogyahay in dib-u-dhigiddu aanay macno samaynayn, laakiin waligiis ma awoodin in uu ka tago cadaadiska ah in uu dib u dhigto hawsha ilaa daqiiqada ugu dambeysa, si uu wax u qabto. Waxa uu muuqaalkiisa ku soo badhigayaa, farqiga u dhaxeeya qofka howsha markiiba qabta iyo qofka dib dhigta. Wuxuu leeyahay qofka howsha dib u dhigta maskaxdiisu waa ka duwan tahay maskaxda qofka kale. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa labo MRI Scan, oo mid yahay qof howsha markiiba qabta, midka kale yahay isaga (Tim Urban) oo shaqada u taal dib u dhigta.
Ku dhufo ciwaanka buluuga ah si aad muuqaalka u daawatid.
Sababta aad u niyad-jabsan tahay ama u welwelsan tahay | Johann Hari
Hadal dhinacyo badan taabanaya, weriye Johann Hari waxa uu dadka la wadaagayaa aragti cusub oo ku saabsan sababaha keena niyad-jabka iyo welwelka. “Haddii aad niyad-jabsan tahay ama welwel ku hayo ma tihid qof diciif ah, waxaa tahay qof raba inuu baahidiisa daboolo”, waxaa sidaas yiri Johann Hari. Weriyaha waxa kale oo uu ka waramayaa sheeko dhex martay isaga iyo dhaqtar cilmi-nafsiga bartay. Dhakhtarka ayaa ka waramaya mar uu joogay dalka Kaamboodiya (Cambodia), xilligaas oo ku beegnayd markii dadka deegaanka loo keenay dawada niyad-jabka (antidepressants).
Dhakhaatiirta deegaanka, Kambodiyaanka, weligood may maqlin daawooyinkan, markaas waxay yiraahden, maxay yihiin dawooyinkaan? Wuuna u sharaxay. Waxayna ku yidhaahdeen, Uma baahnin, waxaan horey u haysanay dawooyinka niyad-jabka. Markaasuu ku yidhi, maxaad ka wadaa? Wuxuu u maleeyay inay ka hadlayaan nooc ka mid ah dawooyinka dhirta. Halkii bay sheeko dheer uga sheekeeyeen.
Ku dhufo ciwaanka buluuga ah si aad muuqaalka u daawatid.