
5-ta Sabab: Falanqaynta Gunta Dhibaatada, waa hab mashaakil lagu xaliyo oo lagu ogaado sababta iyo saamaynta dhibta markaas jirta.
Hadafka koowaad waa in lagu ogaado sababta asalka u ah cillad ama dhib, iyadoo si isdaba joog ah la isku waydiiyo su’aasha “sabab?”. Numberka 5 ee halkan ku qoran waxa uu inoo sheegayaa, inta jeer ay ku filan tahay in la iswaydiin karo su’aasha “sabab”. Xaaladaha qaar waxay qaadan kartaa wax ka badan ama wax ka yar 5 sabab. Faa’iidada ugu wayn waa in ay tahay, mid ka mid ah hababka ugu awooda badan dib loogu raadin karo dhibta meesha ay salka ku hayso.
Asalka 5 Sabab
Habka Shanta Sababood waxaa asal ahaan soo saaray Sakichi Toyoda, aasaasaha Toyota Industries. Habkani waxa uu noqday mid si weyn looga isticmaalo shirkadda Toyota Motor Corporation oo ilaa maantadan la joogo si joogto ah loo isticmaalo. Taiichi Ohno, naqshadeeyaha nidaamka wax-soo-saarka Toyota, wuxuu ku tilmaamay shanta sababood inay yihiin “asaaska habka sayniska ee Toyota.”
Tusaale haddaan ku siiyo
Dhibaatada | Biyo ayaa dhulka fadhiya |
Sabab | Tuubada kore ayaa daadanaysa |
Sabab | Waxaa jira cadaadis badan oo biyaha |
Sabab | Xire-furaha ayaan shaqeenayn |
Sabab | Xire-furaha lama tijaabin |
Sabab | Kuma aysan jirin jadwalka dayactirka |
Sababta in laga gun-gaaro waxay daaha ka qaadaysaa, meesha ay dhibaatada ka timid. Markaad la timaado xalka sababta asalka u ah, waxaad helaysaa fursad aad dhammaan uga jawaabto sababaha.
Sida loo bilaabo 5-ta sababood
Farsamada 5-ta sababood ayaa kaa caawin kara, inaad horumar joogto ah ka gaadho shirkadaada. Waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyinka aasaasiga ah ee aad u baahan tahay inaad raacdo.
Samee koox
Isku day inaad ururiso koox dad ah oo ka socda waaxyo kala duwan. Wakiil kastaa waa inuu yaqaan dhibta la baarayo. Markaad sameysato koox isku dhaf ah, waxaad heli doontaa aragtiyo kala duwan. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad ururiso macluumaad kugu filan si aad go’aan u gaadho. La soco tani ma aha hawl shaqsi gooni ah u taal, waxay u baahan tahay in ay kooxda dhan fuliyaan.
Cadee dhibaatada
Kala hadal kooxdaada dhibaatada, oo sameeya warbixin cad oo dhibaatada ka hadlaysa. Waxay kaa caawin doontaa, inta ay le’eg tahay baaxada arinta aad baarayso. Tani waa muhiim, sababtoo ah, baarida dhibaato baaxada ay la egtahay aan la aqoon waqtiga ayay kaa luminaysaa. Isku day inaad sida ugu macquulsan diirada u saarto, si aad u hesho xal wax ku ool ah.
Isweydii sababta
Dooro hal qof, si ay u fududaato howsha oo dhan. Qofkaas kooxda oo dhan ayuu weydiin doonaa su’aalaha, oo isku dayi doona in kooxda hal meel diirada saarto. Jawaabaha waa in lagu saleeyaa xaqiiq iyo xog dhab ah, sidoo kale la iska ilaaliyo jawaabaha caadifaysan. Qofkaas waa inuu waydiiyaa su’aasha “sabab” inta jeer ee loo baahdo illaa la garto sababta asalka u ah dhibaatada taagan.
Tallaabo qaad
Marka ay koodxu ogaato sababta, waa in la qaadaa tallaabooyinka saxda ah. Dhammaan xubnaha kooxda waa inay ka qayb qaataan dooda, si loo helo xalka ugu fiican ee ilaalin kara in aysan dhibaatada soo noq-noqon. Marka go’aanka la gaaro, mid ka mid ah kooxda waa in uu masuul ka noqdaa dhaqan gelinta iyo ilaalinta nidaamka oo dhan. Muddo cayiman ka dib, waa in kooxdu dib uga fadhiisataa oo ay hubiyaan in go’aankii mid dhaqan gal ah noqday. Ugu dambeyntii, kiiskaas waa in la diiwaangeliyaa, oo lala wadaago guud ahaan shaqaalaha shirkada. Wadaagista macluumaadkan waxay siin doontaa, dulmar mug leh oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dhibaatooyinka ay kooxi la kulmi karto, iyo sida dhibaatooyinkaas meesha looga saari karo.
Guud mar
Farsamada 5-ta sababood waa hab fudud oo wax ku ool ah oo lagu xalliyo dhibaatooyinka. Hadafka koowaad waa in la helo sababta saxda ah ee dhibaatada keentay, iyada oo la iswaydiinayo dhowr jeer su’aasha ah “Sabab”.
Habka 5ta Sababood wuxuu ka caawinayaa kooxdaada inay diirada saaraan sidii ay u heli lahaayeen sababta keentay dhib kasta. Waxay ku dhiirigelinaysaa xubin kasta oo kooxda ka mid ah inay wadaagaan fikradaha horumarinta joogtada ah, halkii ay eedayn lahaayeen kuwa kale. Waxay kooxdaada siinaysaa kalsooni ah inay baabi’in karaan dhibaato kasta oo ay ka hor tagaan guul-darrooyinka soo noqnoqda.
Pingback: Saddexda Hab ee Loo Barto Xikmada - Hal Mirir
Pingback: 5 Qalad oo Burburin kara Ganacsiga yar Iyo Sida Loga Hortago
Pingback: WALAALTINIMADU FIICNAA- Gabadhii baa tiri hooyo wuu idilayaa