5-ta Xeer ee Asaasiga u ah Doqonimada

Markaad dhimatid waxba garan maysid, xanuunka waxaa dhareema dadka kugu xeeran, sidaas si la mid ah weeye qofka doqonka ah. Xanuunka isaga ma dareemee, dadka ku xeeran ayaa dareema. Waxa aan halkaan kugu soo gudbinayaa 5-ta xeer ee asaasiga u ah doqonimada.

Isbuucan waxaan rabaa idinla wadaago fikrad aad u xiiso badan oo ka soo baxday maqaal, fikradaan ayaa lagu magacaab shanta xeer ee doqonimada.

Waa aragti ku saabsan sida doqomadu ay u yihiin dadka ugu khatarta badan, iyo sidoo kale sida ay u fududahay in doqonimadu lagu qaldo waxyaabo kale iyo sida qof kastaa u dhayalsado khatarta, iyo saameynta ay dadka doqomada ahku leeyihiin dadka kale. Maqaalkaan uu qoray dhaqaale yahan talyaani ah, oo lagu magacaabo Carlo M. Cipolla, maqaalkaa ayuu qoray todobaatanaadkii. 

Xeerka 1-aad:

Qof kastaa wuxuu had iyo jeer si lama filaan ah u dhayalsadaa tirada dadka doqomada ah ee ku xeeran. Si kastaba aad is leedahay doqomada kugu xeeran waad garanaysaa, hadana waad dhayalsanaysaa wadarta guud. Sababtoo ah dadka qaar ayaa lagu tiriyaa dad caqli badan, iyadoo aan u marayno dhowr qodob, sida shaqadooda, waxbarashadooda ama jinsiyadooda, hadana waxaan meesha ka saarnaa doqonnimadii. Tusaale; cabdi waxa uusan doqon u noqon karin hantida uu haysto, ama heerka uu waxbarasha ka gaaray. Midaana waxay ina keenaysaa xeerka labaad.

Xeerka 2-aad:

Suurtagalnimada in qofku doqon yahay way ka madaxbanaan tahay astaamihiisa kale. Cipolla waxa uu soo jeediyay in doqonnimadu ay is badbedasho, haddana ay mar walba ay joogto ku tahay bulshada qaybaheeda kala duwan. Qayb walba oo bulshada ka mid ah, haddii ay noqoto jinsi, qowmiyad, dhalasho, waxbarasho ama dakhli waxa ay leedahay boqolkiiba in u jaan go’an oo doqonnimo ah. Cipolla waxa uu ku doodayaa in uusan garanayn boqolkiiba inta ay doqonnimadu gaarsiisan tahay, sababtoo ah qof walba waa dhalaysanayaa tirada dadka doqomada ah ee ku xeeran. Ujeedada ugu wayn ayaa ah, in aadan u adeegsan karin booska uu qofka bulshada ka joogo inuu doqon yahay iyo in kale, taasina waxay ina keenaysaa xeerka saddexaad.

Xeerka 3-aad:

Doqonku waa qof dadka kale khasaariya, naftiisana khasaariya. Cipolla waxa uu xeerkaan ugu yeeraa xeerka dahabiga ah, xeerkaan waxa uu dhigayaa qofka doqonka ah, waa qofka dhibaateeya dadka kale isagoo wax faa’iido ah ku qabin. Xeerkaan waxa kale uu soo bandhigayaa saddex nooc oo kale, oo jaantuuska kula jira doqonnimada. Midka koowaad waa qofka caqliga badan, waa qof dadka ku faa’ideen, naftiisana u faa’iday. Midka labaad waa tuuga iyo burcadka, dadka kuma faa’idaan waa uu dhibaateeya, laakiin naftiisa ayuu wax taray. Midka saddexaad waa qofka lagu xadgudbay oo lagu xamaashay, dadkii ayaa wax ka faa’iday laakiin naftiisa waxba ma tarin. Saddexdaas qof waxaa afareeya doqonka, Cipolla waxa uu afartaas qof kusoo bandhigay jaantuuskaan: 

Xeerka 4-aad:

Dadka caadiga ahi waxay had iyo jeer yareystaan awooda uu qofka doqonka ahi wax ku burburin karo, oo dhibaato ku gaysan karo. Asal ahaan qofka doqonka ahi waa khatar iyo waxyeelo badan yahay, dadka caadi ahi way adag tahay inay qiyaasaan ama saadaaliyaan waxa uu sameyn doono qof wax walba ku kici kara. Qofka caqliga lihi waa fahmi karaa tuuga iyo dembiiluhu waxa sameyn karaan. Falaka uu tuugu sameeyo ha xumaadaane, laakiin waxaa la oran karaa waa caqli-gal. Sababtoo ah waxa uu sameenayo waa wax ay isagu faa’iido ugu jira. Waana arin aad saadaalin kartid kana hortagi kartid. Qofka doqonka ahi wuxuu dhib kuu gaysanayaa sabab la’aan. Mana jirto hab macquul ah oo aad isaga hortagi karto,  mana garan kartid waqtiga, meesha, qaabka iyo sababta uu kugu soo weerari doono. Tani waxay ina keenaysaa xeerka shanaad ee u dambeeya.

Xeerka 5-aad:

Doqonka waa qofka ugu khatarta badan. Bulshada ku burburta gacanta doqonkooda iyo kuwa ka gudba farqiga u dhaxeeya waa dadka caadiga ah. Bulshada burburta waxaa is la’eg dadkooda caadiga ah iyo doqomadooda, sidoo kale bulshadaas waxay u nugushahay burcada iyo tuugada, kuwaas oo iyaga qudhooda huwan go’ii doqonnimada. Ma jirto qaab aad isaga ilaalisid qofka doqonka ah,sida kaliya ay bulshada ku badbaadi karto waa inay dadka caadiga ah laba jirabaaraan shaqada ay bulshada u hayaan,  si ay u kabaan dhib walba uu doqonku u gaystay.

By: Halmirir

4 thoughts on “5-ta Xeer ee Asaasiga u ah Doqonimada”

  1. Pingback: 10 Shay aan Iskuulka Lagu Dhigin Oo Nolosha Wax Ka Badela

  2. Pingback: Buug Qor Halkii aad Facebook Wax Ku Qori Lahayd.- Abdiwahab

  3. Helo therfe I amm sso delighjted I found your website, I reakly found you by accident, while I wwas searching
    on Digg for something else, Nonethekess I amm here now andd woild
    just loke too sayy thank you ffor a tremendous poost andd a aall round interesting blog
    (I also loge thee theme/design), I don’t have ime too rea through
    itt all aat thee minute but I have saved it aand allso included
    your RSS feeds, so when I have ttime I will bbe bqck to rad more, Please
    doo keep upp the fantasetic job.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *