6 Xaaladood Ay Tahay Inaad Aamusto

6 xaakadood ay tahay inaad aamusto
Aamusnaanta ayaa inta badan faa'iido kuu yeelan karta, marar kalena waxay faa'iido u yeelan kartaa kuwa kugu xeeran.

Soo bandhigida ra’yigaaga waa xirfad qiimo leh. Waxaa jira xaalado badan oo hadalku yahay waxa ugu fiican aad u sameyn karto naftaada iyo kuwa kaleba. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xaalado ay tahay in aan ka aamusto, barashada xaaladahaas waa la mid muhiim ah. Haddaba, goorma ayay tahay inaadan hadlin?.

Marka aadan si cad u fakeri karin.

Arrinka ugu horreeya marka ay tahay inaadan hadlin waa, marka ay dhibaato kaa haysato inaad si cad u fikirto. Tani waxaa keeni kara sababo badan. Waxaa laga yaabaa inaad daalan tahay, ama sarqaan tahay, ama aad dareemayso cadho ama walaac. Xaaladahan oo kale  waxaa fiican inaad sugto wax yar ka hor intaadan ka hadlin. Haddii aadan sidaas samayn, waxaa suurtogal ah in aad sheegto wax aad hadhow ka shallayn doonto. Haddii aad waqti siiso fikradahaaga, oo aad weli sidii u fikirayso, dib ayaad u dhigan kartaa, laakiin maaha inaad fikirto marka aad niyad jabsan tahay, ama aad ku sugan tahay xaaladaha aan kor kusoo xusnay.

Marka hadalkaagu dhaawac gaysanayo.

Qodobka labaad ee ay tahay inaadan hadlin waa, marka erayadaadu ay u badan tahay inay waxyeello u geystaan qof kale. Xaqiiqdii , waxaa jira xaalado uu qofka kale ay u baahan yahay in uu runta maqlo, laakiin xaaladahaasi waa dhif iyo naadir. Ka fiirso, haddii erayada aad rabto inaad ku hadasho in ay faa’iido yeelan doonaan, ama haddii ay dhaawac gaysan karaan. Marka aad rabto inaan qofka dhaawacdo, inta badan waa maar aad xanaaqsan tahay ama daalan tahay.

Marka aan ra’yigaagu loo baahnayn.

Xaalada ku xigta marka ay tahay inaadan hadlin waa:  marka ra’yigaagu aan loo baahnayn. Marnaba ma fududa in aad qirato oo aad aqbasho arintaan, si kastaba ha ahaatee, waa mid aad muhiim u ah in aad hadalkaaga kugu koobnaado, xitaa haddii aadan ku raacsanayn. Marka aadan aqoon ku filan u lahayn xaalad, ama dadka kale ay yihiin khabiiro, ama marka ra’yigaagu aanu wax saameyn ah ku yeelan dadka kale, inta badan way fiicantahay inaad iska aamusto, sababtoo ah waa waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo. “Aamusnaantu waa jawaabta ugu fiican aad siin karto qof aan qiimaynayn hadalkaaga.”

Haddii aadan haysan Caddayn kugu filan.

Waxaa hubaal ah, xaaladaha qaarkood waxaad xor u tahay inaad qiyaasto ama aan iska hadasho marka aadan haysan wax caddayn. Si kastaba ha ahaatee, tani mar walba run maaha. Marka aad ka hadlayso arin laga yaabo inay saameyn weyn ku yeelan karto qof kale, tusaale ahaan, caafimaadkooda jireed iyo maskaxeed, waa in aadan siin macluumaad aan la hubin.

 Ku-tiri-kuteenta waxa laga yaabaa inay fiican tahay xaaladaha qaarkood, laakiin haddii ay rog-rogi karto ama wax ka badeli karto go’aan weyn, waxa fiican in aad iska aamusto. Tusaale ahaan, haddii uu qofku ka fikirayo inuu isticmaalo dawo isaga caawin karta, way fiican tahay in aadan soo hadal qaadin hadal aad ka maqashay saaxiibka saaxiibkiis oo isticmaalay daawadaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay, ilaa aad hubsato inay xaqiiq tahay oo aysan ahayn xan.

Haddii lagu yiraahdo ha hadlin.

Haddii ay ku dhibayso inaad aragto in ray’igaaga meesha laga rabin, waxaa ka sii daran marka lagu yiraahdo ha hadlin. Waxaa laga yaabaa in lagu yiraahdo kursiga qaado oo gadaal tag (waxaa loola looma baahna hadalkaaga), siiba goobaha shaqada, waxaa laga yaabaa in aad damacdid inaad ka hadashid goobtaas. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wanaagsan in aad dareenkaaga xakamayso oo naftaada dib u milicsato. In aad dhagaysatid, oo aad wax kororsatid ayaa wanaagsan xaaladahaan oo kale.

Marka aadan haysan wax aad ka hadasho.

Haddii aad is leedahay waxaad u baahan tahay in aad hadal ku darsato, micnaheedu maaha in aad hadashid. Taa badelkeeda, waxaad taageeri kartaa qof kale hadal uu yidhi. Waxaa laga yaabaa in aad xumaan dareentid haddii aad hadal oran waydo, laakiin way ka fiican tahay halkii aad hadal xun oran lahayd. U ogolow naftaada inaad qirato in aysan jirin wax hadal aad ku darsanayso. “Ka fiirso hadalkaaga, marka ay afkaaga kasoo baxaan waa lagaa cafin karaa, laakiin lama illaawi karo”.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *