
"Caawinta qof kale oo dhiban waa meesha ilbaxnimadu ka bilaabato," Margaret Mead ayaa tiri, "Weligaa ha dhayalsan koox yar oo fekeri karta, bulsho isku xiran waa ay bedeli karaan aduunka."
“Sanadooyin badan ka hor, Margaret Mead oo ku takhasustay cilmiga Anthropology (barashada bulshooyinka iyo dhaqamada aadamaha iyo horumarkooda) ayaa arday ay weydiiyay waxa ay u aragto calaamaddihii ugu horeeyay ee ilbax-nimada dadka. Ardaygu wuxuu filayey in ay ka hadasho jillaabashada kalluunka, ama samaynta dheriga dhoobada ah, ama dhagxaanta badarka lagu shiido.
Mead waxay u sheegtay in calaamadii ugu horeysay ee ilbaxnimada ee dhaqankii hore ay ahayd bowdo (lafta bowdada) oo jabtay ka dibna bogsatay. Mead waxay sharaxday in xayawaanka haddii uu lug ka jabo ay dhimanayaan. Sababtoo ah ma ka carari karaan khatarta, ma aadi karaan webiga si aad wax u cabaan ama ugaarsadaan. Waxay noqonayaan cad hilib ah oo meel yaala oo guurguuranaya. Ma jiro xayawaan nolol ku gaaray inta uu lugta uu ka jabay u bagsoonayso.
Bowdo jaban oo bogsatay waxa ay daliil u tahay in qof uu wakhti ku bixiyay in uu la joogo kii lugta ka jabay, oo uu lugta jaban ka xidhay, uu qofka u qaaday meel nabdoon, qofkana uu daryeelay si uu u bogsado. Ka caawinta qof kale dhibka waa meesha ilbaxnimadu ka bilaabatay, ayay Mead tidhi.”
Waxaan ugu fiican nahay marka aan dadka kale u adeegno, oo aan is caawino. Qof xadaarad leh noqo.