
Caqliyadda shucuurtu waa nooc caqli ah oo u gaar ah shucuurta ama dareemayaasha nafsiga ah ee dadka. Waa caqliyad ku dhisan in aad is-fahanto shucuur ahaan, dadka kalana aad fahanto shucuurtooda, deedna aad maarayso. Waa caqliyad la yiraahdo waxa ay ka sii muhiimsan tahay caqliyadda aynu wada naqaan ee maanka – mental intelligence (Intelligence Quotient = IQ).
Sidoo kale caqliyadda shucuurtu waa mid leh moodeello lagu cabbiro, sida ay caqliyadda maankuba u leedahay cabbir – waxaa loogu yeeraa “Emotional Quotient = EQ”. Sida ay dadku u kala “IQ” sarreeyaan oo kale ayay u kala “EQ” sarreeyaan. Khasab ma ahan in ay wada socdaan, qof “IQ”-giisuu sarreeyo ayaa “EQ”-giisu hoosayn karaa, bilcaksiguna waa suurtagal.
Eraygaan “emotional intelligence” markii ugu horreysay taariikh ahaan waxaa loo tiiriyaa qoraal cilmibaaris ahaa (research paper), oo uu qoray nin la oran jiray Michael Beldoch 1964-tii. Intii ka danbaysay xilligaas “concept”- gaan qoraallo ayaa laga samaynayay, haddii aan soo qaadanno in kooban oo kamid ah kuwii u danbeeyay: Peter Salovey oo ah xeeldheere cilmi-nafsiga bulshada ah (haatanna ah madaxa jaamacadda Yale, ee carriga Maraykanka), iyo John Mayer oo isna ah xeeldheere cilmi-nafsiga shakhsiyadda, ayaa soo wada saaray maqaal cinwaankiisu ahaa “Emotional Intelligence” 1990-kii.
Sidoo kale scientist journalist, Daniel Goleman, ayaa soo saaray buuggiisii “Emotional intelligence: why it can matter more than IQ” 1995-tii.
Sidoo kale marka laga soo tago qoraallada, moodeello ayaa la soo saarayay si loogu cabbiro caqliyadda shucuurta, waxaa ugu caansan midka ay soo wada saareen, Peter Salovey, John Mayer, iyo David Caruso – waxaana loogu yeeraa moodeelkaas “Mayer-Salovey-Caruso Emotional Intelligence Test (MSCEIT)”.
Si guud marka loo eego mawduucaan saddex moodeel oo waawayn ayaa loo qaybiyaa: “ability model”, “mixed model”, iyo “trait model”. Intaas ayaan uga gudbaynaa moodeellada iyo qoraallada khuseeya mawduuca, maadaama qoraalkaani uusan ahayn mid akadeemik ah – waa qoraal loogu talagalay in ay cid kasta fahmi karto.
Haddii aan ku dabbaqno mid kamid ah moodeellada ugu caansan, caqliyadda shucuurta waxaa loo qaybiyaa shan qaybood oo waawayn: is-aqoonsasho, isa-sixid, xirfad bulshannimo, dareemidda shucuurta dadka kale, iyo is-dhiirrigalin. Shantaas qaybood ayaa ay ku dhisan tahay caqliyadda shucuurtu, qofkii shantaas ka dhisan ayaa la oran karaa waa qof caqliyadda shucuurtiisu ay dhisan tahay (emotionally intelligent). Shantaas qaybood ayaan mid mid u dul istaagaynaa.
1. Is-aqoonsasho (self awareness)
Waa awood shucuureed oo qofku uu karayo in uu fahmo waxa gudihiisa ka dhacaya, si kale haddaan u iraahdo, waa is-ogaansho heerkeedu sarreeyo oo aad naftaada u yeelato, maxaad ku wacan tahay, maxad ku liidataa, sababtee waxaas u dhibsataa, maxay tahay sababta waxyaabahaas kalana ujeceshahay, maxaa jawi kale (mood) u dareentaa marka aad ciddaas la joogto, iwm. Marka aad tahay qof naftiisa yaqaana waxaad fahmi kartaa saamaynta shucuurtaadu ay ku leedahay falalkaaga, jawiga aad ku jirto (mood), iwm, sidoo kale saamaynta ay kugu yeeshaan falcelinta iyo shucuurta dadka kale.
2. Isa-sixid (self regulation)
3. Xirfad bulshannimo (social skill)
Waa heerka saddexaad ee caqliyadda shucuurta, mar haddii aad naftaada soo baratay, oo aad isa soo saxday, waa in aad dadka la macaamilkoodana aad ka soo dhalaasho, si qurux badanna aad u saamayso iyaga. Dadka qaarkii marka ay maqlaan xirfad bulshannimo waxay u malaynayaan qof bulshaawi ah in loo la jeedo, ma ahan sidaas, taasi waa nooc shakhsiyad ah oo la mid ah noocyada kale ee shakhsiyadda sida afgaabnida, iwm – mana kala fiicna mana kala liitaan si guud.
Balse xirfad bulshannimo waxaa loo la jeedaa, qofku marka uu la macaamilayo cid kale, waa in uu doorkiisa u qaato si habboon, oo uusan noqon qof khalkhalsan ama doorkiisu liito oo is yara la’ (socially inept). Xirfadaha bulsho ee muhiimka ah waxaa kamid ah: dhagaysiga wacan iyo in aad si fiican qofka hadalkiisa u dhuuxdid; in aad hadalkaaga si fiican u soo saartid oo aadan nuu-nuuleyn, qofkana aad indhaha ku aaddiso marka aad la hadlaysid adiga oo aan qajilaad lagaa dareemayn.
Sidoo kale luuqad jireedkaagu in uu wacan yahay oo aadan marba madaxa xoqan sida qof khalkhalsan, ee aad si dirito ah u taagan tahay haddii aad taagan tahay, haddii aad fadhidana sidoo kale, gacmaha wajiga iyo codaynta hadalkaagu waa in ay isku leeyihiin si farsamaysan, oo qofka aad la hadlayso ku abuuraysa in uu si fiican kuu dhagaysto. Haddii ay khudbad tahay iyadu waa xirfad gaar ah, kumana khasbanid haddii aysan shaqadaada kamid ahayn. Balse nolosha caadiga ah marka aad cid la macaamilayso waa in doorkaagu cad yahay.
Waxaa kale oo kamid ah xirafadaha bulsho ee muhiimka ah, awoodda ka dhaadhicinta (persuasion) – in aad cid ka gaddo aragti ama qorshe ay tahay in ay fuliyaan. Waxaa kale oo kamid ah xirfadaha bulsho ee muhiimka ah; hoggaaminta – ha ahaato ganacsi, siyaasad, arrimo bulsho, iyo mid qoysba. Dhammaan xirfadahaas bulsho waxay kaa dhigi karaan qof kasoo dhalaala; goobaha shaqada, goobaha waxbarashada, kulammada, xiriirrada, meelaha bulshada ku kulanto, xaafadaha, iwm.
4. Dareemidda shucuurta dadka kale (Empathy)
Waa heerka afraad ee caqliyadda shucuurta, waa in aad dareento shucuurta dadka kale iyaga oo aan kuu carrabaabin, kaliya wajiyadooda ka akhriso, sidoo kale luuqad jireedkooda (body language) ka akhriso, codkooda iyo sida hadalku uga soo baxayo ka akhriso, sidoo kale hab-dhaqankooda ka akhriso. Ma ahan in aad sugto in qofku inta afka dhagta kuu saaro uu kugu yiraahdo xaaladdaas baan dareemayaa, ee awood akhrisa shucuurta dadka ayaa lagaa rabaa.
Ma ahan dadka aad taqaano oo kaliya, waa qof kasta oo wakhtiga iyo goobtu idin kulmisaba akhri, waxay kuu sahlaysaa in waxa kaaga yimaada qofkaas aadan isla markiiba ka xanaaqin, ee aad horay u akhrisatay waxa ku sababaya, ama ugu yaraan inaad adigu dareenkiisa ilaalisid oo aadan ka damqin nabarro ku yaallay.
Awoodda “empathy” haddii aad yeelato waxay hoos u dhigaysaa xanaaqaagii badnaa, waxay sidoo kale hoos u dhigaysaa in aad cid ku xad gudubto – sababtoo ah damiirkaaga ayaa ku ciqaabaya, waxay ku ogaanaysaa in aad dadka kale dareenkooda ilaalisid.
Waxaad baranaysaa in dadka kale meelaha ay ku liitaan aadan ku maadsan, waxay ku baraysaa in aadan dadka kale ugu tookhin ama faanin waxa aad ku fiican tahay iyaguna ay ku liitaan, (ogow waxa aad ku fiican tahay in aad soo bandhigto ma ahan faan). Sidoo kale waxay ku baraysaa in qofka tuugsada ah ee ku dul taagan xitaa haddii aadan wax u heli karin aadan ku oran “maa shaqaysatid intaas buu xooggu ku le’egyahaye” – adiga oo aan waxba kala socon arrintiisa gaarka ah. Ma ahan in aad dareento dadka shucuurtooda oo kaliya, balse waa in aad ka falceliso wixii awooddaada ah.
Haddii aad rabto in aad kor u qaaddo “empathy”- gaaga dadka duruufuhu ka muuqdaan booskooda is gee, adiga oo adeegsanaya khayaalkaaga (imagination); islaanta waayeelka ah ee waddada maraysa ee usha ku tukubaysa duruuftuna ka muuqato, adiguna adoo dhallinyaro ah aad xawaaro ku dhaafayso adiga oo aan eeginba, tolow waa sidee shucuurteedu?
Hooyada caruurta badan ku korisa duruufta adag, ee aad maalin kasta hor marto iyadoo caano gadaysa adigoo wata Yoghurt aad kasoo iibsatay Supermarket heer sare ah, waa sidee tolow shucuurteedu?
Ninka curyaanka ah ee isagoo guurguuranaya aad xawaaraha ku dhaafayso tolow waa sidee shucuurtiisu? Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee awood darradooda aad ku maadsanayso tolow shucuurtoodu waa noocee? Wad uun, casharrada ku saabsan sida dadka shucuurtooda loo dareemo, waxa aad ka helaysaa magaaladaada, waddooyinka, iyo meheradaha aad fariisato.
5. Is-dhiirrigalin (Intrinsic motivation)
Waa heerka shanaad ee caqliyadda shucuurta, mar haddii aad naftaada soo baratay, isa-sixi kartid, xirfad bulsho leedahay, dadka kale shucuurtooda aad dareemi kartid; waxaad u baahan tahay awood intaas kugu haysa, ama hoos u dhac kaa ilaalisa, waxaad u baahan tahay shidaal kugu ilaaliya qofnimadaas.
Haddaba waxaad beddelaysa meesha aad dhiirrigalinta ka hesho, haddii ay lacag ku dhiirrigalin jirtay, magac inaa yeelato ay ku dhiirrigalin jirtay, in dadku ku aqoonsadaan oo balaayo kuu maleeyaan ay ku dhiirrigalin jirtay – waxaas oo dhan ma noqon doonaan kuwo kugu sii haya qofnimadaadaan sharfan ama heerkaaga sare ee caqliyadda shucuurta. Waxaad u baahan tahay shidaal gudaha ah, in aad ahaato qofka aad doonayso ayaa la rabaa in ay dhadhan ku dhiirrigaliya kugu abuurto (passion to fulfill).
Abaalmarinta cidda aad ka sugto waa in ay noqoto damiirkaaga, haa, damiirkaaga ayaa ku abaal marinaya, waxaad dareemaysaa farxad, kalsooni, iyo in aad tahay qof matoorkii dhiirrigalin lahaa gudaha ku wata. Waxa aad qabanayso waa “sacrifice” ama wax aad dartii u samaynayso, si aad u sii ahaato qofkii aad doonaysay ee caqliyadda shucuurtiisu sarraysay. Ma tihid qof bannaanka ka sugaya dhiirrigalin, sababtoo ah nafsiyan ayaadba iskugu filnaatay.
Ugu danbayn, qof aysan dhisnayn caqliyadda shucuurtiisu way ku adag tahay in uu yoolashiisa gaaro, oo uu hormar ka sameeyo noloshaan. Si kasta oo aad u “IQ” sarreyso haddii “EQ”-gaagu hooseeyo waxaad ahaanaysaa qof shiiqay oo iska damay. Caqliyadda shucuurtu waa xirfad la hormarin karo oo lagu tababbaran karo, qaybaha aad ku liidato waad iska dhisi kartaa, sidoo kale waxaa jira tijaabooyin (test) lagu cabbiro oo aad isku ogaan kartid heerkaaga “EQ”.
Waxaa loo sababeeyaa badanaa in dadku ay ku kala liitaan caqliyadda shucuurta, korriimadoodii iyo khibradaha ay deegaanka kala soo kulmeen. Ilmaha yari waxa ay shucuurtiisu soo bilaabataa isaga oo aan fadhi iyo hadal toona aqoon, noocyo badan oo shucuur ah ayuu soo saaraa, sida looga falceliyo iyo sida loo inkiro waxay saamaysaa mustaqbalka caqliyaddiisa shucuureed. Balse qofku marka uu waynaado, mafhuumkaanna uu ku baraarugsan yahay, waxaa u fudud in uu cuqdadihiisii hore iska soo qufo, oo uu caqliyad shucuureed oo cusub, nadiifna ah uu dib u dhisto.
Waxaan filayaa in aad dareentay wax uun shucuur ah inta aad akhrinaysay qoraalkaan, waxay muujinaysaa in aad fahantay mawduuca. Waxaad tahay qof caqliyaddiisa shucuureed ay dhisan tahay (emotionally intelligent).
Xigasho:Maan-kaal