
Dhaqida lacagta waa habka sharci darrada ah ee lagu sameeyo lacag aad u badan oo laga sameeyay fal-dembiyeedyo, sida ka ganacsiga daroogada ama maalgelinta argagixisada, lagana dhigo lacag u muuqata in lagu sameeyay hab shirca ah. Lacagta laga sameeyay fal-dembiyeedka waxaa loo yaqaanaa lacag wasakhaysan, habka lagu dhaqayo waa in lacagtaas u muuqataa lacag nadiif ah, oo lagu sameeyay sifo sharci ah, oo aan ku lug lahayn wax fal-dembiyeed ah.
Waa maxay sababta lacag-dhaqiddu sharci-darrada u tahay?
Lacag-dhaqidda waa sharci-darro sababtoo ah waa hab ay dembiilayaasha uga faa’iidaan dembiga ay galeen oo inta badan ku lug leh wax ka badan hal fal oo sharci darro ah. Falka lacag dhaqidu iyo asalka ay lacagta la dhaqayo ku timid labaduba waa sharci-darro. Dembiga koowaad wuxuu yimaadaa marka dambiilaha uu gacanta ku hubsado lacagaha. Dembiga labaad waa marka uu isku dayayo inuu sharciyeeyo lacagtaas isagoo si khaldan u isticmaalaya hay’adaha maaliyada.
Waxaa jira saddex tallaabo lacagta lagu dhaqo.
1. Lacagta ayaa la soo geliyaa hay’adaha maaliyada, iyadoo lagu shubayo bangiyada.
2. Talaabada labadaad, waa marka dembiilayaashu jaraan xiriir walba oo ku xiri kara lacagta iyo dembiyadii ay galeen. Waxay tirtirayaan raad walba ay hay’adaha dowladu qaadi karaan oo lagu soo daba geli karo.
3. Talaabada ugu dambeysa, lacagtii la dhaqay ee martay akoono sharci ah oo kala duwan ayaa dib ugu soo noqonaysa dembiilihii, lacagtaas oo nadiif ah oo aan lahayn wax raad ah ku xiri kara dembiilaha.
Waxaa jira siyaabo badan oo lacagta lagu dhaqo, mid fudud iyo mid aad u adag. Mid ka mid ah farsamooyinka ugu caansan waa in la isticmaalo ganacsi sharci ah, oo ku salaysan lacag caddaan ah oo uu leeyahay dembiilaha ah. Tusaale ahaan, haddii dembiiluhuleeyahay makhaayad, waxa laga yaabaa in uu kordhiyo rasiidhada lacagaha caddaanka ah ee maalinlaha ah, si ay ugu daro lacagaha caddaanka ah oo aan sharciga ahayn (lacagaha la rabo in la dhaqo), iyada oo loo marayo akoonada makhaayadda ee bangiga. Intaa ka dib, bangiga lacagta waa lagala bixi karaa marka loo baahdo. Ganacsiyadan oo kale waxaa badanaa loo yaqaan “fronts.”
hi
waa howl adag
Ma sahlana
cayn weeye