Habka ugu Wanaagsan ee Loo Wajaho Dhaleeceynta iyo Cabsi-gelinta

Guul darrada uma qalanto cod heer

Sannadkii 1962-kii, nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Joseph ayaa la kulmay haweenay la yiraa Marina. Waxay ku wada noolaayeen Ruushka. Waxay wadaageen xiisaha fanka. Isaga Gabayada ayuu qori jiray. Iyadana sawirrada ayay sameyn jirtay. Waa ay is jeclaadeen oo ilmana ayay isu dhaleen.

Nolol qurux badan ayay ku noolaayeen ilaa maalin maalmaha ka mid ah sanadkii 1972-kii, saraakiishii Soofiyeedka ay albaabka soo garaaceen. Waxay xoog ku galeen gurigii Joseph, isagii ayay qabteen, waxayna saareen diyaarad u socotay Vienna, waxayna ku wargeliyeen in laga masaafuriyay Midowga Soofiyeeti. Dib dambe uma uusan arag xaaskiisii Marina.

Ninkaan aan ka hadlayno waa gabayaagii caanka ahaa ee Joseph Brodsky. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta sannadkii 1987. Gabayadiisa, oo inta badan ku qoran afka Ruushka, waxay soo jiiteen qof kasta marka laga reebo dawladdii Soofiyeeti. Waxay ku tilmaameen gabayadiisii kuwo “ka soo horjeeda maamulkii midowgii Soofiyeedka”, muddo toban sano ah ayaa laga xamanayay wargaysyada, shaqadiisii ayaa laga ceeriyay, ugu dambeyntiina laga soo masaafuriyay dalka.

Illaa markii dambe uu caawimaad ka helay abwaannadii saaxiibbadiis ahaa qaarkood, Brodsky wuxuu markiiba uu magangelyo ka helay dalka Mareykanka, isla markiiba wuxuu shaqo macalinnimo ka helay jaamacaddaha Yale, Cambridge, iyo Jaamacadda Michigan. 1991, sagaal iyo toban sano ka dib markii laga soo masaafuriyay Midowga Soofiyeeti, Brodsky waxaa loo magacaabay Gabyaagii Maraykanka (waxaa lagu maamusay abaal-marin uu ku mutaystay hal-abuurnimo).

Sida loo wajaho dhaleeceynta, hanjabaada iyo caga-juglaynta

1988-kii, Brodsky waxa uu khudbadda furitaanka u jeediyay ardayda Jaamacadda Michigan. Khudbada oo dhameystiran waxaad ka helaysaa buugiisa: On Grief and Reason: Essays. Waxaan filayaa in aad buuga ku dhex arki doontin, xeelad iyo hab qurux badan oo lagula tacaalayo dhaleecaynta, baqdin-gelinta, iyo saamaynta taban ee noloshaada.

“Iskuday in aadan dheg u dhigin kuwa isku dayi doona inay nolosha kugu xumeeyaan. Waxaa arki doontaa kuwo badan oo iyaga ka mid ah – shaar dowladeed ha xirnaadaan ama mid shacab. U dulqaado haddii aadan ka baxsan karin, laakiin marka aad ka baxsato, isku day inaad iska ilaaliso inaad ka sheekayso xaqdarrada laguula dhaqmay; iska ilaali si kasta oo bulshada u soo dhawaynayaan inay maqlaan dhibtii aad la kulantay.

 Sheekooyinka noocaan ah waxay dhiiro gelinayaan jiritaanka kuwa aad dhibta kala kulantay; Waxay u badan tahay, inay ku tashanayaan inaad kala hadashid dadka kale caddaalad-darradii (ama, caddaaladdii aad heli weyday). Midaasi waa mabda’a ugu weyn ee dulmi kasta, ha ahaato mid ay dawlada masuul ka tahay, ama ha ahaato mid shaqsi. Sidaa darteed, marnaba ha u ogolaan dhacdo, si kastaba ha u qaraaraatee, in aad ku lumiso waqti ka badan intii ay ku qaadatay in uu dhaco falkaas.”

Saamaynta xumaanta waa ay sii weynaataa marka laga hadlo, waxii la rabo ha la sheegee. Waxaan nolol siinnaa go’aannada liita, fikradaha xun, iyo dadka sharta leh annagoo hadal-hayna marar badan. Kuma aadan lumisayn waqtigaaga meelo xun. Maxaad fikirkaaga ugu luminaysaa fikradaha qashinka ah iyo awoodaadana ugu lumisaa dadka xun?

Waxa ugu wanaagsan ee ku sameyn kartid talada xun waa in ay noqoto mid aan waxba ahayn, la iska indhatiray, oo la ilaaway. Guul-darradu uma qalanto cod dheer. Waqti ku bixi inaad ku dhawaaqdo shay mudan in la maqlo.

 

Thanks for Reading.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *