Hal-Abuurka: Sida Aad U Furi Lahayd Hal-Abuurkaaga Qarsoon

Waxaan idinla wadaagi doonaa sida hal-abuurnimadu u shaqeeyo, sida loo abuuro shaqo macno leh, adigoo baranaya sida fikirka hal-abuurka leh looga dhigo caado. Waxaan isku dayayaa inaan soo bandhigo, aasaaska wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ogaato, si aad u bilawdo xirfadda hal-abuurka leh, xitaa haddii aadan haysan waqti kugu filan.
Waa maxay hal-abuur?

Habka hal-abuurka waa samaynta xiriiryo cusub, oo ka dhexeeya fikradihii hore ama aqoonsiga xiriirka ka dhexeeya aragtiyo cusub. Fikirka hal-abuurnimadu maaha in wax cusub aad meel cidla ka samaysid, balse waa in la qaato fikradaha aad hadda haysatid, iskuna keentid hab aan horey la isugu dayin.

In kasta oo hal-abuurnimadu aanay fududayn, ku dhawaad dhammaan fikradaha waaweyni waxay raacaan hab hal-abuur oo isku mid ah. Sannadkii 1940-kii, maareeye shirkad xayaysiis ah oo magaciisu yahay James Webb Young, ayaa daabacay buug gaaban oo cinwaankiisu yahay, Farsamada soo saarista Fikradaha (Technique for Producing Ideas).

Webb waxa uu rumaysnaa, habka isku xirka hal-abuurka mar walba yahay shan tallaabo.

Habka Hal-abuurka
  1. Soo ururi walxo cusub. Marka hore baro. Inta lagu jiro marxaladan waxaad diirada saartaa, 1) inaad barato waxyaabo gaar ah oo si toos ah ula xiriira shaqadaada, iyo 2) barashada si guud adiga oo daneenaya fikrado balaaran oo kala duwan.
  2. Si fiican u dulmar waxyaabaha maskaxdaada ku jira. Inta lagu jiro marxaladan, waxaad baadhaysaa waxaad baratay adigoo dhinacyo kala duwan ka eegaya, waxaadna tijaabinaysaa sida ay isku qaadan karaan fikradahaas kala duwan.
  3. Ka fogow dhibta markaa ku hortaagan. Marka xigta, dhibka gabi ahaanba maskaxdaada ka saar, oo waxaad aad samaysaa wax kale oo ku farax geliya.
  4. Ogolow fikradaadii dib inay kugu soo laabato. Mar uun baa laga yaaba , laakiin waa marka aad joojisay inaad ka fikirto, in fikradaadii ay dib kugu soo noqoto adigoo helay aragtiyo cusub iyo firfircooni.
  5. Qaabee oo horumari fikradaada, adiga oo ku salaynaya jawaab celin. Fikrad kasta si ay u guulaysato, waa in aad u soo bandhigtaa dunida, u gudbisaa dadka falanqeeya, oo aad la jaanqaadsiisid hadba sidii loo baahdo.
Ma jiraa wax loogu yeero ‘Hal-Abuur Dabiici ah’?

In kasta oo aynu inta badan u arag hal-abuurka wax dabiici ah, oo dadka qayb ka mid ah leeyihiin, qaarna aanay lahayn, haddana cilmi-baadhis ayaa soo jeedinaysaa in hal-abuurnimada iyo hal-abuur la’aanta labaduba ay tahay wax la barto, waa sida laga soo xigtay borofisar cilmu-nafsiga bartay oo la yiraahdo Barbara Kerr. Cilmi-baaristan waxa la sameeyay iyada oo la daraaseeyay kala duwanaanshaha fikirka hal-abuur ee u dhexeeya mataanaha. 

Marka inaad tiraahdo wax hal-abuur ah ma lihi waa cudur daar-daciif ah oo aad u liidata, kaana fogaynaya fikirka hal-abuurka. Waxaa dhici karta in dadka qaarkiis ka hal-abuur badan yihiin kuwa kale. Si kastaba ha ahaatee, qof kastaa waxa uu ku dhashay isagoo leh qayb ka mid ah xirfadda hal-abuurka, inta badan awoodeena fikirka hal-abuurka waa kuwo la tababari karo.

Sida qof hal-abuur leh loo noqdo.

1: Naftaada sii inaad isku dayi karto in aad wax walba abuuri karto. Mararka qaarkood waa inaad qortaa 4 bog oo xun si aad u ogaato inaad hal jumlad oo wanaagsan ku qortay cutubka labaad ee bogga saddexaad. 

2: U samee hal-abuurkaaga jadwal. Subaxdii ha soo kicin adigoo oranaya, “waxaan maanta dareemayaa dhiirogelin iyo firfircooni inaan wax abuuro ayaan rabaa.” Waxaad u baahan tahay inaad go’aan qaadato oo jadwal u sameysid shaqadaada.

3: Wax lee dhameystir. Jooji wax raadinta, qorsheynta, iyo u diyaargarowga inaad wax qabato, wax uun qabo. Dhib ma laha haday xun tahay ama wanaagsan tahay. Maxaad hallayn kartaa isku daygaaga kowaad. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad naftaada u sheegtid inaad haysato wax walba ay kugu qaadan karto inaad wax abuurto.

4: Jooji inaad xukmisid shaqadaada. Waa wax dabiici ah inaad xukmiso shaqadaada. Waa dabiici in aad dareento niyad jab in hal-abuurkaaga aanay ahayn mid cajiib ah, oo uusan noqon sidaad rajaynaysay inay noqdaan, ama ay sii xumaanayso farsamadaadii. Laakiin furaha ayaa ah, inaadan naftaada u ogolaan wixii xun inay kaa hor istaagaan inaad sii wadato shaqadaada.

5: La xisaabtan naftaada. La wadaag dadka waxa aad abuurtay ama shaqadaada.. Iyaga ayaa kugu la xisaabtami doona waxaad abuurtay. Waxaad heli doontaa jawaab celin, inaad qabatay shaqo fiican iyo in kale. Markaad aragto in dadka ay ku xiran yihiin wixii aad abuurtay, way ku dhiirigelin doontaa oo waxay kaa dhigi doontaa inaad aad u taxadarto.

Buugaagta Hal-Abuurka Ugu Fiican.

1 thought on “Hal-Abuurka: Sida Aad U Furi Lahayd Hal-Abuurkaaga Qarsoon”

  1. Pingback: Sida Loo Xaliyo Dhibaatooyinka Waaweyn -

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *