Waxaa geeriyooday Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii Soofiyeeti ee gacan ka gaystay soo afjarida dagaalkii qaboobaa.

Taariikhdii Gorbachev
Mikhail Gorbachev, hogaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowgii Soofiyeeti, oo markaasi ahaa dib-u-habeeyihii gacan ka geystay soo afjarida dagaalkii qaboobaa, dalkiisana ka saaray shuucinimada una horseeday hantiwadaaga, wuxuu dhintay Talaadadii isagoo 91 jir ah. Waxa uu ku dhashay tuulada Privolnoye, Gorbachev waxa uu ku koray shuucinimo xagjir ah intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka. Kadib markii uu ka qalin jabiyay jaamacada Moscow State University oo uu ka qaatay shahaadada sharciga sanadkii 1955-tii, waxa uu ka soo muuqday xisbiga shuuciga waxa uuna u dallacay- xoghaye guud – March 1985.
Kacdoonkii Poland
Markii ay ka bilowdeen dalka Poland isu soo baxyo dimoqraadiyad doon ah, oo uu kacdoonku gaaray midowgii Soofiyeeti 1989, Gorbachev uma dirin ciidankii Soofiyeedka si ay uga hortagaan kacdoonadii. Sannadkii xigay, waxa uu ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, ee uu gacan ka geystay joojinta dagaalkii qaboobaa.
Burburkii Midowgii Soofiyeet
Midowgii Soofiyeeti ayaa si degdeg ah u bilaabay in uu burburo, markii dalalkii Baltic-ga la isku oran jiray ee Lithuania, Latvia iyo Estonia ay ka goosteen midowgii soofiyeedka, iyo dalal kale oo muddo dheer ku hoos jiray maamulkii Moscow, oo ay ku jirto Ukraine, oo raadsatay madaxbannaani. Bilo ka dib iskuday afgambi, Gorbachev waxa uu iscasilay December 25, 1991. Midowgii Soofiyeeti maalin ka dib ayaa la kala diray.
Wareysigii AP
“Waxaan isu arkaa nin bilaabay dib-u-habaynta lagama maarmaanka u ahayd dalkayga, Yurub iyo adduunkaba,” Gorbachev ayaa u sheegay wakaalada wararka Associated Press (AP) 1992, wax yar ka dib markii uu xafiiska ka tagay. “Inta badan waxaa la i weydiiyaa, haddii aan mar labaad sameyn lahaa? Haa, runtii waan sameyn lahaa” ayuu u sheegay AP.
Talaadadii, Putin wuxuu ka tacsiyeeyay geeridii Gorbachev, wakaaladda wararka ee Ruushka ee Tass ayaa tebisay. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen, iyo madax kale ayaa amaanay hoggaankii Gorbachev, iyagoo sheegay in uu bedelay habraaca taariikhda, isla markaana uu u gogol xaaray sidii loo heli lahaa Yurub xor ah.
democratic