Hordhac Kooban oo Ku Saabsan (Psychology) Cilmi-Nafsiga

Cilmi-nafsiga (Psychology) waa barashada maskaxda iyo dabeecaddaha bini’aadamka.

Cilmi-nafsiga waa cilmi la barto, waxayna ka kooban tahay qaybo kal duwan sida qaybaha horumarka aadanaha, ciyaaraha, caafimaadka, bukaanka, dhaqanka bulshada iyo hababka garashada. Cilmi-nafsigu runtii waa cilmi aad ugu cusub dunida, 150kii sano ee la soo dhaafay ayuu aad u soo shaacbaxay. Si kastaba ha ahaatee, asalkeeda waxaa lagu tiriyaa Giriigii hore, 400 – 500 sano BC. Faylasuufyadu waxay ka doodi jireen mowduucyo badan oo hadda lagu barto cilmi-nafsiga casriga ah, sida xusuusta, dabeecadda iyo barbaarinta iyo soo jiidashada iwm.

Bilawga Cilmi-nafsiga.

Bilowdgii cilmi-nafsiga waxaa jiray laba aragti oo ku saabsan maskaxda, qaab-dhismeedkeeda iyo sida ay u shaqeyso. Qaab-dhismeedka maskaxda waxa uu ahaa magaca uu bixiyay Wilhelm Wundt (1832-1920), kaas oo diiradda ku saarayay, in uu kala dhig-dhigo qaybaha aasaasiga ah ee maskaxda ay ka kooban tahay. Wundt waxa uu cilmi-nafsiga ka soocay falsafada, isaga oo si habaysan u falanqaynaya shaqada maskaxda.

Khabiir cilmi-nafsi oo Mareykan ah oo la yiraahdo William James (1842-1910) ayaa sameeyay hab loo yaqaan ‘habka ay maskaxda u shaqayso’, kaas oo khilaafay dariiqadii hore ee Qaabdhismeedka maxkaxda. James wuxuu ku dooday in maskaxdu ay si joogto ah isu beddesho, oo ay macno darro tahay in la barto qaabdhismeedkeeda. Hase yeeshe, wuxuu soo jeediyay in diiradda la saaro sida iyo sababta uu nooluhu wax u qabto.

James wuxuu soo jeediyay in shaqada qofka cilmu-nafsiga bartay ay tahay, in la raadiyo sababta hoose keena dabeecadda iyo habka maskaxda ee ku lug leh.

Aragtida Cilmi-nafsiga

Wixii intaas ka dambeeyay Qaab-dhismeedka maskaxda iyo sida ay u shaqayso, waxa beddelay dhowr hab oo saamayn ku yeeshay cilmi-nafsiga, mid walbana waxaa saldhig u ah aragtiyo la wadaagay, oo qofka waxa uu noqon karo ah, waxa muhiimka ah in la barto iyo sida loo barto.

Hadafka Cilmi-nafsiga

Afarta yool ee cilmi-nafsiga ee ugu waaweyn waa in la qeexo, la sharraxo, la saadaaliyo oo la beddelo hab-dhaqanka iyo habka maskaxeed ee dadka kale.

Si loo Qeexo

Qeexida habdhaqanka ama garashada waa yoolka koowaad ee cilmi nafsiga. Tani waxay awood u siin kartaa cilmi-baarayaasha inay hormar ka gaaraan dhaqanka aadanaha.

Si loo sharaxdo

Marka cilmi-baarayaashu ay qeexeen dabeecaddaha guud dhaqanka aadanaha, tallaabada xigta waa in la sharaxo sida ama sababta isbeddelkani ku yimid. Cilmi-baaraha ayaa soo jeedin doona aragtiyo sharxi kara dabeecadahaas.

Si loo saadaaliyo

Cilmi-nafsiga waxay ujeeddadeedu tahay inay awood u yeelato inay saadaaliso dabeecadda mustaqbalka, iyadoo lagu saleenayo natiijooyinkii cilmi-baarista ahaa. Haddii saadaasha aan la hubin, markaas sharraxaadii ay ku saleysanayd ayaa u baahan in dib loo eego.

Si loo Bedelo

Marka cilmi-nafsiga uu qeexo, sharaxo, oo uu saadaaliyo dabeecada, in wax laga beddelo ama la xakameeyo dabeecaddaas ayaa la isku dayaa.

Qodobka muhiimka ah ee halkan yaal ayaa ah: cilmi-nafsiga ma loo tixgelin karaa saynis haddii la isku khilaafsan yahay waxa la baranayo iyo sida loo baranayo?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *