Maxaad samayn lahayd haddii aad maalin kasta hal meel ku xayiran tahay? Maalin kasta ay la mid tahay maalintii ka horeesay, wax walba aad samaysidna aan wax is badelaya aysan jirin? Nolosheena wax aad u yar ayaan xakameyn karnaa, waxa kaliya ee aan xakameyn karno waa waxa aad qaban karto, sida aad u qaban karto iyo waxa aad ku qaban karto. Shalay waa tagtay, beri in la gaarayo lama oga, waxaad haysataa waa maanta iyo waxa aad ku qaban kartid.

Samayso jadwal maalinle ah.
Maalmuhu mar waa wacan yihiin, marna waxaa ku soo maraya maalmo xun, iyo maalmo aadan kala saari karin in ay ku wanaagsan yihiin iyo in kale. Jadwalka maalin laha ah wuxuu kaa caawin doonaa inaad ka faa’iidaysato maalintaas. “Jadwalku waxa uu kaa ilaaliyaa isku dhexyaaca iyo nidaam la’aanta” waxaa sidaas yiri Annie Dillard. “Waa shabaag aad ku dabatid maalinta”.
Markaad garan waydo tallaabada xigta aad qaadi lahayd, jadwalka maalin laha ayaa kuu sheegaya. Marka uu waqtiga kugu yar yahay, jadwalka ayaa kaa caawiniya inaad ka faa’idaysatid waxtiga yarka aad haysatid. Marka aad wax aad qabatid garan waydo, jadwalka ayaa kaa caawinaya in aadan waqti khasaarin. Jadwalku waxa uu ku siinayaa xoriyad, isagoo ka ilaalinaya hoos u dhaca nolosha, kana faa’idaysanaya waqtiga haysatid. Wax uu kuu dejiyaa caadooyin wanaagsan, kuun horseedi kara nolosha ugu fiican.
Liis samee.
Liiska waxa uu kuu nidaaminayaa noloshaada. Mar kasta aad u baahatid inaan shaqo qabato, sameyso liis, waxaad helaysaa niyad aad wax ku qabatid. Markaad liiskaas aad sameysatid, ka dooro howsha ugu adag ka dibna samee. Markaad dhamaysid ka gudub, dooro shay kale oo aad sameyso. Sidaas wax ku wad ilaa aad ka dhamaysid liiskaas. Sidoo kale marka aad rabtid inaad go’aan qaadatid samayso liis ay faa’iido iyo khasaaro ku qora yihiin. Soo qaado warqad, dhexda ka mari xariiq, dhinac waxaad ku qortaa faa’ido, dhinaca kale khasaaro. Waxaad ogaanaysaa faa’idada iyo khasaaraha midka badan. Sidaas si la mid ah markaad meel dhaafi waydo oo ay kugu istaagto samee liis.
Baro sida MAYA loo yiraahdo.
Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto, sidee qof u oran kartaa MAYA adigoo xumaan dareensiin. Marka hore marmarsiyada iska daa’. Ha meermeerin, hana siin fursad uu su’aasha kugu soo celceliyo. Haddii aad damacdid inaad u sharaxdid, ha isku dheerayn hadalka, usoo koob. Waxaad tiraahdaa “waan ka xumahay, hadda ma samayn karo laakiin waan kuu soo sheegayaa haddii aan awoodo”. Habkani waa mid asluub leh, waxa uuna kaa dhigayaa qof awood leh.
Waxaad fahantaa oo aad iska ilaalisaa, farsamooyin wax-is-daba-marinta ay dadku adeegsadaan, tusaale: waxaad joogtaa goob lacag lagu tabarucayo, waxaa lagu yiri: “maxaad bixinayaa $10, $20, $30, dadka badankood waxay bixiyeen $30, intee jeceshahay inaad bixisid?”
Is adkee, waxaad ogaataa, haddii uu qofka MAYA kaa aqbali waayo in qofkaas saaxiibka ahayn ama uusan ku ixtiraamin, ha is dareensiin inaad ku qasban tahay inaad siiso waxa uu kaa doonayo. Wax ka baro Warren Buffett, oo yiri “Farqiga u dhexeeya dadka guuleysta iyo kuwa aadka u guuleysta waa, in dadka aadka u guuleysta ay wax kasta MAYA ka yiraahdaan.”
Pingback: ABAARAHA SIDEE LOOGA HORTAGAA? - ABAARAHA SIDE LOGA HORTAGA
Pingback: Dadkii afkii bay wada taageen o la yaabeen odaygu wuxu falay