Kala Duwanaanshaha Aragtiyada

I. Maskaxda iyo Xogta

Maskaxda aadanaha waxaa maalin kasta ku soo kordha xog cusub oo ka timaadda qofka deegaankiisa ku xeeran. Xogtaasi waxa ay kasoo gashaa dareemayaasha shanta ah, ee kala ah; aragga, maqalka, urinta, taabashada iyo dhadhanka. Sidoo kale waxaa jira xogo kasoo fula ruuxda iyo qalbiga, oo waa kuwa abuura dareennada nafsiga ah. Xogtaas qofka ku xaroonaysa ayaa waxaa laga fahmaa macnayaal cusub. 
 
Si qofku uu micne uga fahmo xogta cusub ee soo gasha, wuxuu u baahan yahay wax uun xog ah, oo si uun ula xiriirta xogta cusub. Haddii aysan jirin xog la xiriirta oo uu horay u hayay, markaas ayaa ay maskaxda boos cusub ku yeelataa. Waxay noqotaa xog ugub ah oo dhalisay micne ugub ah. Waxa aad arkaysaa dad isku mar xog helay, ase micneyaasha ay ka kala fahmeen ay kala qoto dheer yihiin – waxaa lagu magacaabi karaa arrinkaas ‘heerka fahanka’.
 
Maxaa ugu wacan kala duwanaanshaha ‘heerka fahanka’ ee dadka? Waxaa loo sababayn karaa labo arrimood: Garaadka, iyo tirada xogeed ee horay qofku uga hayay waxa la fahmayo. Garaadku waa awoodda rogrogidda iyo cufnaanta dabiiciga ah, ee maskaxda ama maanka qofka. Tirada xogtuna waa inta ay le’eg tahay xogta maskaxdu ay ka hayso arrinka markaas la fahmayo, ama miiska saaran. 
 
Haddaba si aad u kordhiso heerka fahanka ee aad u leedahay shay; waa in aad kordhiso xogta aad ka hayso shaygaas. Balse garaadku waa dabiici, inkastoo laftiisu ay saameyn togan ku leedahay kororka xogtu.

II. Fekerka

Marka laga soo tago xog cusub oo qofka maskaxdiisa soo gasha, ayaa qofku waxa uu fahmi karaa micne uu san horay u fahan sanayn. Sidee? Maskaxda qofku waxa ay isku shaandhayn hor leh ku samayn kartaa xogtii ay horay u haysay, ama aan i raahdee, waxa ay qalliin ku samayn kartaa xogihii horay maskaxda ugu jiray. Waxa ay isla doonataa xogo aan iska war hayn oo haddii la isku gee-geeyo samaynaya micne cusub.
 
Qalliinkaas, isku shaandhayn taas, iyo Isla doon-doonashadaas xogeed ayaa waxa la yiraahdaa ‘Feker’. Kolkaas fekerku waxa uu kamid yahay ilaha xogta laga helo, oo marba haddii xogtii hore inta si cusub la iskugu naqshadeeyo ay micne samaynayso, waxaa la oran il-xogeed cusub, oo kaba tayo badan tii bannaanka ka imaanaysay.
 

III. Dheelliga cunsurrada

Qofka maskaxdiisu waa weelkii xogta lagu kaydinayay (xogtaasi ha ahaato mid dareemayaashu keeneen, mid ruuxda iyo qalbiga ka timid, ama mid fekerku curiyay ba). Garaadkuna waa mashiinkii rogrogayay xogta. Fahankuna waa hannaankii uu qofku micnaha xogta ku dhuuxayay. Haddaba waxaas oo cunsurro (factors) ah ayaa u ah gundhig qofka aragtidiisa.
 
Kolkaas qofku aragtida uu raacsan yahay waxaa ugu wacan, cunsurradii gundhigga u ahaa qofka aragtidiisa, oo ula dheelliyay dhanka aragtida uu qabo. Ama qofku aragtida uu diidan yahay waxa ugu wacan, cunsurradii gundhigga u ahaa qofka aragtidiisa, oo kala dheelliyay dhanka aragtida uu diidan yahay.
 
Tusaale ahaan qofka waxaa ku badan kara (ama ku yaraan kara) xogta maaddiga ah ee uu ka hayo aragtida uu qabo (ama uu diidan yahay), marka loo eego aragtiyaha dhiggooda ah. Arrintaasina waa dheelli dhanka xogta maaddiga ah.
 
Sidoo kale qofka waxaa ku badan kara xogta nafsiga ah, taas oo abuuraysa in uu dareen taban, ama togan ka haysto aragtida uu qabo ama uu diidan yahay. Taasina waa dheelli dhanka dareennada nafsiga ah.
Sidoo kale qofka waxaa saameyn kara heerkiisa fahanku inta uu le’eg yahay, oo waxaa suurawda in uu qof aragti u raacsan yahay, heerkiisa fahan ee la xariira aragtidaas oo yar. Waxa uu haystaa micne hooseya oo uu u qabo micnihii dhabta ahaa ee aragtidaas.
 
Ama taas beddelkeeda aragti ayaa uu diidan yahay, waxaana ugu wacan isla heerkiisa fahanka oo ka hooseeya heerkii uu ku fahmi lahaa micnaha dhabta ah ee aragtidaas. Arrintaasina waa dheelli ka yimid dhanka heerka fahanka. Qofku marna aragtidaas buu dhinaceeda u dheelliyayaa, marna wuu ka dheelliyayaa, heerkiisa fahan darteed.
 
Ugu danbeyn
Waxa aan oranaynaa, labada qof ee ka doodaya aragti ay ku kala duwan yihiin, waa uun soo bandhigis uu mid kastaa soo bandhigayo dhanka uu cunsurradiisu uga dheelliyeen aragtida miiska saaran, ee ma ahan caddeymo biyo kama dhibcaan ah oo la isla hor fadhiyo.
 
Dhammaan wayddiimaha falsafadaysan, aaminaadaha iyo aragtiyaha ay dadku ku xiiqaan iyagoo labo dhinac ka kala taagan, waa iska dheelligaas cunsurrada. Ma muuqato in aadanuhu uu soo taaban karo xaqiiqadooda biyo kama dhibcaan ka ah waxyaabaha waawayn ee ay ka doodaan. Maxaa wacay? Waxaa ba su’aal ka taagan tahay oo aan caqliga aadanuhu uu san heshiis ku ahayn xaqiiqada lafteeda. Maxaa xaqiiqo ah?
 
Haddaba marka arrinku halkaas marayo, waxaa maangal ah in la ilaaliyo maslaxadda nolosha (wada noolaanshaha). Qof kasta na aan lagu ceebayn ama lagu dhibaatayn meesha cunsurradiisu ay ka taagan yihiin waxa markaas laga hadlayo.
 

Xigasho:Maan-kaal

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *