KHIYAAMOOYINKA IBLIISKA

KHIYAAMOOYINKA IBLIISKA

Dhallinyarada baraha bulshada wax ku qorta mid kamid ah baa sawirkaan hoose bartiisa soo geliyay, waxana uu soo raaciyay faalladan gaaban: “Ma ogid gabdhahaan tan Alle ugu dhowaan badan. Waxa laga yaabaa in tan surwaalka gashan ee madaxa qaawani in ay Alle ugu dhowaan badan tahay”.

Hadalkaasi waa sax iyo qalad la isku daray. Iimaanku waa Niyad iyo Af iyo Addin wada jira. Ma jirto hal Aayad oo oranaysa الذين آمنوا (kuwii Alle rumeeyay) oo keli ah, balse Aayad kastaa waxa ay leedahay

الذين آمنوا وعملوا الصالحات

 (kuwii Alle rumeeyay camal suubbanna camal falay).

Camal waxa loola jeedaa in amarka Alle la fuliyo, fulintiisuna waa in ay qofka fulinaya ka muuqato. Xijaabka oo la qaataa waxa uu kamid yahay amarrada Alle. Tiirarka Iimaanka soda; Salaadda, Soonka, Sakada, Xajka, gebigood waxay cabbiraan iimaan qalbiga laga rumeeyo, xubnaha jirkuna ay fuliyaan.

 Sidaas darteed, iimaanku waa wax afka laga sheego, addimahana laga qabto, iimaanka qalbiga keliya ku eg oo aan addimada laga qaban, wax muuqaal ah oo tusinayaana aanay jirini waa iimaan jiis ah.

Hadallada ugu qatarsan ee dadka ku dhaqanka diinta ka gaabiyay ay ku celceliyaan waxa kamid ah; (iimaanku “rumayntu” waa qalbiga oo muuqaalku muhiim ma aha).

Haddii aan kuwaas weydiinno: Adinka iyo Ibliis kiinnee Alle aqoon badan?

Jawaabtu waa Ibliis, maxaa yeelay adinka iyo annagu Malaa’ig iyo Janno iyo Naar midna ma aynaan arag, Sidaas oo ay tahayna waannu rumaynay. Ibliis isagu Malaa’igta waa uu arkay, Jannadana waa uu arkay, Alle ayaana la hadlay.

Haddaba, haddii arrintu ay rumayn keliya tahay oo aan shaqo iyo muuqaal midna loo baahnayn, Ibliis baa innaga mu’minsan oo isagaa innaga huba jiritaanka Eebbe iyo Malaa’ig iyo Janno iyo Naar, maxaa yeelay indhihiisa ayuu ku arkay.

Hase yeeshee amarkii Alle ayuu diiday, markaas rumayntiisa keli ahi waxba uma aanay tarin.

Haddaba, ka waantooba oraahda ah: (Ma garanayno cidda Alle u dhowaan badan).

Qofka qaawanaan lasoo shir tagay, qaawanaantiisu tusin mayso Alle u dhowaansho, balse amarka Alle oo la fuliyo ayaa tusinaya Alle u dhowaansho. Hase yeeshee waxa quluubta ku jira annaga Aadanaha ah xil la’inagama saarin, arrinkooduna Alle ayuu u yaal.

Annagu waxaannu la fal gelaynaa wax qabadka qofka iyo muuqaalkiisa; ma tukanayaa, ma soomayaa, ma is asturayaa, iwm.

Hadalka caynkaas ahi waxa uu fududaynayaa mugga ay leeyihiin dembiyada Alle laga gelayo, Alle oo si dhab ah loo caabbudana qiimayn maayo. Waa sida isaga oo yiri: Iimaan sheego, hana ku dhaqmin, Sidaas baad Alle ugu dhowaanaysaaye). Oraahdaasi waxa ay ka dhigan tahay nafta iyo dadka oo la khiyaano.

Qofka iimaannkiisu in uu dhab yahay waxa lagu gartaa hadba inta uu fuliyo amarrada Alle sida Salaadda, Xijaabka iyo cibaadooyinka kale”.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *