MA MAQASHAY REER GUURAAGA DHIJITAALKA AH? (DIGITAL NOMAD)

Soomaalida waxaa lagu tiriyaa 70% reer guura inay yihiin. Dunida hadda aan joogno aad ayay isugu xiran tahay, dunida dacalkeeda kale wixii ka dhaca daqiiqado ayuu warka kugu soo gaarayaa, arintaas waxaa sahlaya teknoolajiyada maalinba maalinta ka dambeysa la casriyeenayo. Hadaba maxaa isaga xiran soomaalidu inay reer guuraa yihiin iyo teknoolajida?! Waxaa jirta wax ay dunida u taqaan Digital Nomad haddii af soomaali hadaan u badelno noqonaysa “reer guuraa dhijitaal ah”.

 Haddii aan kuu faahfaahiyo waxay noqonaysaa inaad adigoo isticmaalaya mobile smartphone, camera ama laptop ka shaqayn kartid oo aad lacag ka sameyn kartid internet-ka adoo hadba goob cusub, dal kale ama magaalo kale tagaya kana soo warama mowduuc aad adiga si gaar ah aad u dooratay sida dalxiiska, beeraha, cunta kariska, dhaqan ay dad gooni ah leeyihiin ama xoolo raacista. Shaqada internet-ka ayaa noqonaysa inaad video iska soo duubtid (vlogger) soona dhigtid baraha bulshada sida Facebook iyo Youtube ama inaad qoraa noqotid wax walba aad la kulantid aad kusoo gudbisid website (blog) aad adigu leedahay oo sidaas aad lacag ka samaysid. Tusaale hadaan kuu soo qaado waxaa jira wiil soomaali ah oo la yiraahdo Qays Qayser oo Youtuber ah, isagoo dhulka ku dalxiisaya ayuu haddana videos uu duubay soo geliyaa baraha bulshada lacagna ka sameeyaa.

Reer guuraaga dhijitaalka ah waa noocyo badan yahay, dadka qaar ayaa dhulka ku safra iyagoo wata gaari sidii gurigii u samaysan oo maalinba magaalo tagaya soona gudbiya qaab nololeedkooda iyo goobaha muhiimka ah iyo dhulka dalxiiska ah tagaya, qaar ayaa doonyo shiraacda oo baddaas kora oo dhowr bilood  ku maqnaada baddana ka jilaabta wixii kaloo sahay ahna horay usii qaata, waxaa jira kuwa kale duurka cidlada ah maalin ama labo ku maqnaada halkaasna ka sameeya video iyagoo cunta karsanaya ama ugaarsanaya.

Soomaaliya waxaa kusoo badanaya dadka lacagta ka sameeya internet-ka hadday noqon lahayd Facebook, Youtube ama Blog waxaana u fudeediya internet-ka oo qiima jaban iyo isagoo dhul badan gaarsiisan iyo telefoonada smartphone-ka ah. Waxaa kaloo soo badanaya dadka baraha bulshada kusoo bandhigaya dhaqankii reer guuraaga iyo xoolihii oo la daaqsin geenayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *