MAAN-ADAYG (MENTAL TOUGHNESS)

Maskaxda qofka aadanaha ah in ay u babac dhigi karto duruufaha nolosha, cadaadiska, xilliyada adag, iwm, - oo aysan u liicin, bal 'e ay fursad ka dhex abuurto, ku raaxaysato, horeyna uga socoto - ayaa la yiraahdaa maan-adayg. Waa shakhsiyad ama caado muhiim u ah waxtarka qofka iyo caafimaadkiisa maskaxda.

Qofka maanka adag waxaa u xiran difaac maskaxeed, oo way adag tahay in xanuunnada dhimirku ku dhacaan. Waa qof shukaanta u haya maankiisa, oo aan u jixinjixin shucuurtiisa taban, iyo qaybtiisa jilicsan. Waa meesha ay Soomaalidu ka tiraahdo qofkaasi waa geed adayg. Waxaa laga yaabaa labo qof oo isku duruuf nololeed ku sugan, ama wakhtigu ciilay in midna uu qaado xanuunada dhimirka; midna uusan kala jeclayn oo uu soo dhoollacadaynayo adduunka oo rogmay, aan israacineyn xilliga adag, noloshana khayr ka filanaya, horeyna u socda. Labadaas qof waxa ay ku kala duwan yihiin waa maan-adaygga.

Haddii aan wax yar taariikh ahaan dhanka cilmiga mafhuumka ku noqonno, markii ugu horreysay waxaa erayga “mental toughness” soo shaacsaaray Jim Loehr oo ahaa xeeldheere dhanka cilminafsiga ciyaaraha (sports psychologist), wuxuu qabay qof kasta oo guul gaaray khasab in uu maan-adayg lahaa. Sidoo kale waxa uu qabay in la isku tababbari karo maan-adaygga. Isaga oo aragtidaas ka dabqaadanaya ayuu bahda isboortiska ku tababbari jiray maan-adaygga. Sida caadiga ah jirka qofku uma adkaysto wax aysan maskaxdu u adkaysan. Jirku waxa uu awoodaa waxa aad u sheegto. Waana sababta bahda isboortiska iyo jirdhisku ay ugu hor baraarugeen mafhuumkaan.

Markii danbe arrintu waa isla soo dhaaftay dhanka isboortiska, waxaa ka daba yimid cilmibaarisyo badan oo maan-adaygga lagu dersayay – iyada oo nolosha oo dhan lagu fariisinayo. Waxaa kamid ahaa dadka aadka u daneeyay Peter Clough oo ahaa xeeldheere dhanka cilminafsiga la dabbaqay (Applied Psychology), madaxna ka ahaa jaamacadda Manchester Metropolitan University. Waxa uu sameeyay afar tiir oo maan-adaygga gundhig u ah, oo caan ku ah “The 4 Cs” waana kuwaan hoose;

1. Kontoroolidda (control):

Qofku in uu hoggaanka u qabto shucuurtiisa, naftiisa, iyo maankiisaba, isaga oo darawal ka noqonaya waxa gudihiisa ka dhacaya iyo go’aamada uu qaadanayo. Waa tiir wayn oo kamid ah maan-adaygga qofku marka uu is-kantarooli karo.

2. Ka go'naasho (commitment):

Qofku in uu yeesho doonis adag oo uu rabo in uu ku qabto hawsha markaas u taal, ee uusan ahayn qof si fudud looga duufsan karo wixii muhiimka ahaa. Cidda duufsanaysa hadday rabto naftiisa ha ahaato. In qofku leeyahay ka go’naasho waa tiir wayn oo kamid ah maan-adaygga.

3. Kudhac (challenge):

Qofku in uu wajihi karo caqabadaha hortaagan ee uusan baqan, ayaa la yiraahdaa qofkaasi kudhac ayuu leeyahay. Qofka kudhaca leh waxa uu haystaa tiir wayn oo kamid ah maan-adaygga.

4. Kalsooni (confidence):

Qofku in uu aaminsan yahay in uu wax qaban karo, qiime leeyahay, uusan isa-saluugsanayn, ayaa la yiraahdaa qofkaasi waa isku kalsoon yahay. Kalsoonidu waa tiir aad u wayn oo maan-adaygga ah.

Odey Clough haddana sannadkii 2002 waxa uu soo daabacay “survey” ama xog aruurin lagu cabbiri karo maan-adaygga si cilmi ah. Waxaa loogu yeeraa MTQ48, waa 48 su’aalood oo “psychometric” ah, laguna ogaan karo heerkaaga maan-adaygga. Dabcan waxay ku fadhiyaan afartiisa tiir ee maan-adaygga.

Haddaba qofku maan-adayggiisa ma hormarin karaa?

Dabcan haa, inkastoo ay jiraan cilmibaarisyo sheega in wax lagu dhasho oo la firsado ay u badan tahay ama noloshu ay qofka barto, haddana dadka aan sida dabiiciga ah u lahayn maan-adaygga way ku tababbaran karaan, haddii si cilmi ah loogu tilmaamo. Waa wax la dersay oo lagu tababbaran karo. Waxaa jira 5 xeeladood oo lagu hormarin karo maan-adaygga;

B. Fekerka togan (positive thinking):
In aad isku tababbarto fekerka dhanka wanaagsan, adiga oo meesha ka saaraya fekerka taban. Waa in aad maan togan ku wajahdo wax kasta oo aad ka fekerayso ama maskaxdaada ku soo dhaca. Si ku talagal ah u beddel fekradaha taban ee kugu soo dhaca, u beddel kuwo togan. Sidaas waxa aad ku hormarin kartaa maan-adayggaaga.
T. Sawir maskaxeed yeelasho (Visualisation):
Waxa aad ka fekerayso sawiro, markaas kaddib go'aan gaar adiga oo arka. Qofku marka ay u muuqato waxa uu ka fekerayo si fiican ayuu ula falgalaa. Tusaale ahaan haddii yool aad degsatay, sawiro adiga oo gaaray, kaddib sawirkaas waxa uu kaa caawinayaa in yoolkaasi uu meel fog kaaga yaallo, oo aad ku fooganaatid ilaa aad gaarto. Xeeladaas waxay kaa caawinaysaa in aad maan-adayggaaga hormariso.
X. Yool degsasho (Goal Setting):
Qofku in uu yool degsado ama ha qorto ama yuusan qoran, waxay nafsad ahaan qofka ka caawisaa in uu isku arko qof qiime leh, u jeeddo ka leh nolosha, iwm. Waa dheef qarsoon oo aan ahayn wixii aad ka dheefi lahayd yoolka laftiisa marka aad gaarto, waana qodob muhiim ah. In aad yool leedahay waxay kaa saacidaysaa horumarinta maan-adayggaaga.
Kh. Kontoroolidda ahmiyadsiinta (Attentional control):
Diiradda qofku hadba meel bay saaran tahay, balse iyada ayaa shaqadeeda iska wadanaysa haddii aadan kontoroolin. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa maanta oo dhan diiraddaadu in ay saaran tahay fekrado taban oo wax aan xanuun ahayn kugu kordhinayn, waxa hareerahaaga ka dhacayana aadan la socon. In aad isku tababbarto si kutalagal ah in aad u maamusho diiraddaada, waxa hareerahaaga ka dhacayana aad la socoto, kala saaftid, maankaagana aad u gudbiso oo kaliya wixii togan, ayaa muhiim ah. Qofku in uu la socdo waxa uu ahmiyadda siinayo waxay ka caawisaa maan-adayggiisa.

Ugu danbeyn, maan-adaygga qofku waa arrin kaalin wayn ku leh waxtarka qofka iyo caafimaadka maskaxdiisa. Mar haddii muhiimadda intaas le’eg ay leedahayna, isku tababbar adiga oo adeegsanaya xeeladaha aan kor ku soo sheegnay.

Xigasho:Maxamed Jaarlees

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *