MAXAA UU YAHAY CUDURKA MONKEYPOX?

Monkeypox  waa cudur naadir ah oo uu keeno infekshanka fayraska daayeerku. Monkeypox waa qayb ka mid ah fayrasyada la isku yiraahdo variola. Calaamadaha xanuunkan waxay la mid yihiin calaamadaha furuqa, laakiin way ka fudud yihiin, iyo dhimashadiisuna waa dhif iyo naadir. Monkeypox wax xiriir ah lama leh busbuska.

Monkeypox waxa la helay sannadkii 1958-kii markii laba cudur oo furuq u eg uu ka dillaacay meel lagu xanaaneeyo daayeerada. Inkasta oo loogu magac daray “Monkeypox”, weli lama garanayo meesha uu cudurka ka yimid asalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, jiirka iy daanyeerka ayaa laga yaabaa inay qaadan fayraskan oo dadka u gudbiyaan.

Kiiskii ugu horreeyay ee bini’aadamka ee Monkeypox ayaa la diiwaan geliyay sanadkii 1970. Ka hor inta uusan faafin sanadkaan 2022-ka, xanuunkan waxaa laga soo sheegay dhowr waddan oo ku yaalla bartamaha iyo galbeedka Afrika ah. 

Xanuunkaan waxa uu leeyahay calaamado kala duwan, laakiin waxa aad ugu nugul dumarka uurka leh, caruurta iyo dadka uu difaaca jirkoodu liito. Calaamadaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, tabar yari, iyo qanjidhada oo barara. Intaas waxaa weheliya finan kasoo baxa jirka socdana laba ilaa saddex toddobaad. Fininka waxay kasoo baxaan wajiga, calaacalaha, cagaha, indhaha, afka, cunaha, gumaarka, dabada iyo xubnaha taranka.

Sida caadiga ah xanuunkan qofka waa ka bagsooda isagoo wax daawo ah qaadan. Qof kasta oo leh astaamaha aan soo sheegnay waa inuu la xiriiraa goob caafimaad si uu u helo talo caafimaad. Dalka Mareykanka ayaa xanuunkaan looga dhawaaqay inuu xaalad caafimaad oo degdeg ah.

By Hal Mirir

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *