
Waxaad wax badan maqashay in roobka la sameeyo ama aad garan weyday curinta daruuraha waxa ay tahay, waxaa maskaxdaadu is weydiisay sidee ayay suutagal ku noqon kartaa, hadaba qoraalka hoose aqri oo runta ka gungaar.
Daruuruhu waxay ka samaysan yihiin dhibco yar yar oo biyo ah ama jajabyo yar yar oo baraf ah. Waxay samaysmaan marka uumiga biyaha ee hawada ku jira uu qaboobo, iskuna soo ururaan. Curinta daruuraha (cloud seeding); waa farsamo cilmiyaysan oo kordhiya awooda daruuruhu u sameeyaan roobka ama barafka. Farsamadaan, oo ay khubarada sidoo kale ugu yeeraan wax ka badelka cimilada, ayaa runtii caawin kara meelaha aan helin roob badan oo ku filan. Ka dib markii la curiyo daruuraha, roobka ama barafka ayaa ka soo di’i doona daruuraha.
Farsamadaan lagu curinayo daruuraha ayaa soo bilaabatay sanadkii 1946. Waxay bilaabatay ka dib markii la ogaaday maadada Silver Iodide iyo barafka qalalan (dry ice), ay ka caawin karaan daruuraha inay sameeyaan jajabyo yar yar oo baraf ah. Maadada Silver Iodide waa maado qaab dhismeedkuudu aad ugu eg yahay qaab dhismeedka barafka dibiiciga ah, waana sababta keentay in khubaradu adeegsadaan maadadaan.
Maadadaan dusha kore ayaa looga soo shubo daruuraha, iyadoo la adeegsanayo diyaarad ama drone. Jajabka yar yar ee maadadan ayaa si dhaqso ah ku fidaya markay taabtaan qoyaanka daruurta, isla markiiba jajabka yar yar ee barafka ee daruurta ku jira ayaa cuslaanaya, waxayna noqonayaan dhibco waa weyn oo biyo wayna soo da’ayaan.
Maadadaan Silver Iodide deegaanka ayaa si dabiici looga helaa, inta la og yahay wax dhibaato ah u gaysato dadka iyo xayawaanka. Biyaha roobka ee ka yimaada curinta daruuraha kama dhadhan ama ur duwana biyaha roobka ee dabiiciga ah, lama kala saari karo labada biyood.
Roobab mahiigaan ah oo aan caadi ahayn ayaa ku dhuftay isbuucaan dalka Imaaraadka Carabta, roobabkaan ayaa da’ay markii uu Imaaraadku isticmaalay nidaamkaan daruuraha lagu curinayo.
By: Hal Mirir
Warbixin cajiib ah.