MAXAY UKRAIN MUHIIM UGU TAHAY SUUQA CUNTADA ADUUNKA?

Dalka Ukrain ayaa ah dalka labaad ee ugu dhoofinta badan dalagyada haruurka marka laga soo tago mareykanka. Ukrain ayaa baal dahab ah ka ciyaarta suuqa caalamiga ah ee haruurka.

Ukrain waxaa ku adkayd inay dhoofiso wax soosaarka beeraha tan iyo wareerkii Russia ku qaaday bishii February.

In ka badan 22 milyan tan oo sareen ah ayaa ku xayiran dekadaha Ukrain ee ku teedsan badda madow.

Iyadoo duqeymaha Ruushka ay burburiyeen waddooyinka, isla markaana ay go’doomiyeen dekadihii badda Madow, waxaa hakad galay shixnadaha qamadiga ee Ukrain, taasoo keentay in markiiba sare u kac ku yimaado qiimaha sarreenka iyo daqiiqda.

Hadda waxaa jirta khatar aad u weyn oo ah hadhuudhka yaalla suuqa caalamiga inay ku filnaan waydo baahida loo qabo waa haddii uusan Russia xayiraada ka qaadin dekadaha Ukrain ee ku teedsan badda madow.

Turkiga, oo ay weheliso Qaramada Midoobay, ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya si ay ugu qanciyaan Ruushka inuu qaado xayiraadda saaran shixnadaha ka imanaya Ukraine.

Ukraine, Russia, Turkey iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa saxiixi doona jimcaha heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta haruurka Ukraine, xafiiska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidaas sheegay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *