XUSUUSTEBYO iyo ISKAHADAL

Hab-qorista aan u naqaanno taariikhnololeed ee sooyaalqofeedka ka warrama marka Af Ingiriisiga (iyo afaf kale) la joogo waxaa loo qaybiyaa saddex nooc oo kala ah: biography, autobiography iyo memoir. Biography waa marka taariikhnololeedka qof uu ruux kale qoro; autobiography waa marka uu qofi qoro sooyaalkiisa qofeed; halka tan u dambaysa “memoir” tahay marka qofku qoro sooyaalka qayb noloshiisa ka mid ah oo uu si gooni ah u xushay.
Soomaalida waan ku arkay qof taariikhnololeedkiisi (biography) uu qof kale qoray, iyo qof asagu taariikhnololeedkiisi (autobiography) qoray laakiin weli ma arag qof xusuustebyo qoray, waxase aan arkay buugga uu qoray Cabdullaahi Yuusuf Axmed in erayga memoir si khaldan cinwaanka buugga loo raaciyay.
Buugga Cabdullaahi Alle ha u naxariistee cinwaankiisu waa “HALGAN IYO HAGARDAAMO: TAARIIKH NOLOLEED” laakiin qaybta hoose ee jaldiga cinwaanka ayaa lagu qoray “STRUGGLE AND CONSPIRACY: A MEMOIR” ayada taariikhnololeed lagu soomaaliyeeyay memoir taas oo aan sax ahayn, waayo haddii aan Soomaaliga xagga isla dhigno oo cinwaanka Ingiriisiga ah qaadanno dabadeedna buugga akhrinno, waxaa inoo caddaanaysa in uusan buuggu memoir ahayn, si taas la mid ahna uusan biography ahayn.
Biography ma ahan oo buugga sida ku qoran waxaa qoray Cabdullaahi oo ah isla qofka uu ka warramayo, sida aan kor ku sheegnayna biography waxaa qora qof aan ahayn qofka uu buuggu ka warramayo.
Sidaas aawadeed buugga Cabdullaahi ma ahan biography ma na ahan memoir, ee waa autobiography ama ISKAHADAL sida Cabdiraxmaan-Feegaar qabo.
Maxay ku kala duwan yihiin autobiography iyo memoir maxay se isaga mid yihiin?
2) Waxa kale oo memoir uga duwan tahay autobiography waa habka tebinta. Memoir marka la tebinayo waxaa loo tebiyaa si u eg sheekafaneedda noofalka, oo dareenka (feelings/emotions) iyo hummaagyada (imagery) ayaa xoogga la saaraa ayada oo la adeegsanayo af maldahan (figurative language). Halka autobiography aan taas la adeegsan.
3) Autobiography waxaa iska qora qof caan ah sida Nelson Mandela (Long Walk to Freedom), halka memoir ayan qasab ahayn in qofku caan yahay. Tusaale: Mayo Angelou caan ma ahayn markii ay qortay “I Know Why The Caged Bird Sings.”
4) Akhristuhu waxa uu autobiography u akhriyaa si uu u barto sooyaalka qoraha, halka uu memoir u akhriyo ogaanshaha iyo danaynta dhacdada/ooyinka uu qoruhu tebinayo ee noloshiisa la soo gudboonaaday.
Nice