Conscious Mind & Subconcious Mind

Maskaxda aadanuhu waxa ay leedahay labo miyir: miyirka soo jeeda (conscious mind); iyo miyirka qarsoon (subconscious mind). Miyirka soo jeeda waa kan maamula waxyaabaha aad ku talagashay samayntooda; halka miyirka qarsoon uu yahay kan maamula waxyaabaha aad samayso adiga oo aan ku talagalin.
Tusaale ahaan labo guri oo isku dhow haddii aad mid shalay kasoo guurtay, midka kalana degtay, waxaa laga yaabaa marka aad bannaanka ka timaado ama magaalada, inaad is aragto, adiga oo ku sii socda gurigii aad shalay kasoo guurtay, deedna aad is-garato goor danbe (ama adiga oo albaabka taagan-ba). Waxa kugu sii waday gurigii aad shalay kasoo guurtay, waxa uu ahaa miyirka qarsoon (subconscious mind); marka aad is-garatayna, wixii aad isku garatay waxa uu ahaa miyirka soo jeeda (conscious mind).
Iska daa guri aad kasoo guurtaye, haddii aad labo qol oo isla hal guri ah, aad mid sariirtaada kasoo qaadatid, kan kalana gaysatid, waxaad arkaysaa adoo kii hore ku khaldamaya mararka qaarkood, ilaa aad la qabsatid. Tusaalayaashu way badan yihiin, waxaa kamid ah, waxyaabaha aad xifdisan tahay uma baahna miyirka soo jeeda marka aad akhrinaysid, sida faataxada marka lagu tukanayo, waxaa akhrinaya miyirka qarsoon.
Labadaas miyir ayaa qofka haga oo maamula, waxa kale oo dhan ma shaqaynayaan la’aantood. Miyirka soo jeeda mar-mar ayuu damaa, sida hurdada iyo koomada marka uu qofku galo; balse miyirka qarsoon waligiis ma damo ilaa qofku ka dhimanayo – wuu iska istaaran yahay. Miyirka soo jeeda wax kasta iskama aamino, wuu iska shaandheeyaa; balse miyirka qarsoon wixii soo gaara sidooda ayuu ku xareeyaa, oo ku aaminaa.
Labada miyir keeba qofka maamula?!
Haddaba labada miyir waxaa xagga maamulka qofka ku gacan sarreeya miyirka qarsoon. Wax kasta oo aad iska samaynayso adiga oo aan is ogayn, hab-nololeedkaaga maalinlaha ah (life style), waxa aad aaminsan tahay, hab-dhaqankaaga, dabeecaddaada, guushaada iyo guuldarradaada nololeed, iwm, dhammaan waxaa ka mas’uul ah miyirkaaga qarsoon. Adigu dhab ahaan waxa aad tahay miyirkaaga qarsoon. Si kasta oo aad iskaga kaaya dhaadhiciso, isku gaddo, adiga oo adeegsanaya miyirkaaga soo jeeda, waxaa hadhaw kaa qaalib noqonaya, ama aad tahay miyirkaaga qarsoon.
Hadda nolosha aad kujirto, haddii aadan ku qanacsanayn, waa inaad miyirkaaga qarsoon ka raadiso, waxa noloshaan aad diidan tahay kugu haya. Waxaa laga yaabaa inaad meel fog ka raadinayso, balse waxay noqon kartaa hab-dhaqan yar (behavior) oo aad maalin kasta samayso. Hab-dhaqankaas waxa uu metelaa xog khaldan oo miyirkaaga qarsoon ku xaraysan, oo ay tahay in la ciribtiro. Si loo ciribtiro waa in aad hab-dhaqankaas aad joojiso, adiga oo adeegsanaya miyirkaaga soo jeeda. Miyirkaaga soo jeeda si ku talagal ah ugu mashquuli hab-dhaqankaas joojintiisa, ilaa inta uu miyirkaaga qarsoon xogtaas meesha ka saarayo (ama uu “inactive” ka dhigayo).
Miyirka qarsoon waxaa wax lagu gashaa ku celcelin, waxaana wax looga saaraa ku celcelin.
Miyirka qarsoon waxaa wax lagu gashaa ku celcelin, waxaana wax looga saaraa ka celcelin. Deegaanka kugu hareeraysan waxa ka dhacaya, dadka aad la socoto (asxaabtaada), iwm, ayaa miyirkaaga qarsoon wax galinaya. Waxaas wada galaya wuu ku dhaqmayaa, adiguna waxa aad noqonaysaa qof deegaanku sameeyay. Wixii ku galay uun baad noqon. Marka aad doonayso in aad noqoto qofka aad doonayso, waxaa lagama maarmaan ah in aad ka celceliso wixii khaldanaa ee horay ugu jiray miyirkaaga qarsoon; waxa cusub ee aad doonaysidna, aad ku celceliso si uu u qaato.
Waa shaqo adag, ma ahan wax qof kasta samayn karo, mararka qaarkood waxaad u baahanaysaa in cid kale kaa caawiso isbeddelkaas. Goobaha dhaqan-celintu (rehabilitation) wax kale ma ahan, dad ayaa laga caawinaya in laga jaro wax miyirkooda qarsoon uu la qabatimay, wax cusub oo dan ugu jirtana la baro isla miyirkooda qarsoon – si ay u soo baxaan iyagoo ah siday isla doonayeen.
Ugu dambayn.
Ugu dambayn, xaqiiqada ugu adag ee nolosha qofku waa taas. Miyirkaaga qarsoon ayaa ku maamula, isaga ayaa guul kuu horseedi kara ama guuldarro. Shaqada ugu adag ee qofka u taalana, waa inuu miyirkiisa qarsoon ka jaro wixii khaldan ee lid ku ah dantiisa, wixii dan u ahna uu baro. Xigmadda ugu qaalisan noloshuna waa in aad dantaada gaarto, nooca ay tahay waa wax adiga kuu yaal, balse dantiis ma yaqaannimadu waa liidnimo.
Tababarka ugu qaalisan waa kan maskaxda, siiba marka aad miyirkaaga qarsoon ka dhigatid, sida aad doonayso. Mar haddii miyirkaaga qarsoon aad ku jiheyso dantaada, waxa aad dantaada u gaaraysaa si “automatic” ah, sida faataxada marka aad akhrinayso oo kale, ayaad is arkaysaa adiga oo aan u baahnayn miyirka soo jeeda, si aad u gaarto dantaada.
Xigasho:Maan-kaal