Saameynta Ay Baraha Bulshada Ku Leedahay Dabeecada Qofka

Baraha bulshada iyo talefannada casriga ah waxa ay burburin ku hayaan dareenkena. Sidoo kale miyay naga dhigi karaan qof anshax xun? Waxa aan maalin anoo Facebook isticmaalaya arkay qoraal uu soo dhigay nin aan saaxiibo nahay, qoraalka ayuu ku sheegayaa inuu xanuunsan yahay, maalintaas ayaan isweydiiyay xiriirka aan la leeyahay tignoolajiyada.

Nin aan saaxiibo nahay ayaa facebook soo dhigay, inuu u baahan yahay inuu isbitaalka degdeg ku tago, xaalad caafimaad uu wajahay darteen. Shaahii aan cabayay ayaan ku saxan gaaray anoo laptop eegaya, waana ku naxay. Waxba ma aan samayn, sababtoo ah waxaan markiiba isoo dhacay ogaysiis email cusub, isaga ayaana ku mashquulay. 

Dhowr daqiiqo ka dib oo aan email-ka ku jiray, waxaan ogaaday in ay wax weyn qaldan yihiin. Email-kii cusbaa ma uusan ahayn mid degdega ah sida ninka saaxiibkay ah ee xanuunsan, hadana waxaan u dhaqmay sidii qof in labaduba si isku mid ah ay dareenkayga usoo jiiteen. Maxaa iga qaldan? Ma qof xun ayaan ahay? 

Waxaan bilaabay inaan xaqiiqsado, in tignoolajiyada ay inta badan u muuqato in ay sii adkeenayso, in aan u fal celino habka saxda ah markaan aragro qof dhibaataysan ama u baahan caawimaad. Ma isweeydiisay waqtiyada aad saaxiibkaa kulantaan, si uu kaaga la hadlo arin kusoo korortay, adigana aad faraha ka joojin weydo shaashada telafoonkaaga, adoo hadba hubinaya email-ka, instagram-ka ama facebook-ga. 

Ma isweydiisay inta jeer aad facebook-ga ku aragtay dad dhibaataysan oo caawimaad u baahan, hadana aad markiiba ay ku mashquuliso muuqaal qosol ah oo ka hooseeya. Imisa jeer ayay dhacday inaan la kulantid shil baabuur ama labo qof oo feertamaya, meeshii aad kala qaban lahay ama caawimaad fidin lahayd, aad telafoonka kaamiradiisa furatay adoo muuqaal ka duubaya.

Daraasado dhowr ah ayaa sheegaya in tignoolajiyadda casriga ah ay soo gaabinayaan dareenkeena, iyagoo aad inoo mashquulinaya. Waxaa jira cadaymo badan oo muujinaya aaladaha casriga ah ay leeyihiin saameyn xun. Shirkadaha tignoolajiyadda waxay sii wadaan qaabkii ay kusii xoojin lahaayen saameyntaas – walxaha sii adkaynaya inaan joogtayno feejignaanta waxa inoo muhiimsan, ama inaan marka horeba ogaano-. Iyagoo og (shirkadaha), hadana waxaa sii kordhaya in aysan u wanaagsanayn xiriirkeena shaqsi ahaaneed (xiriirka dadka ka dhaxeeya).

Baraha bulshada waxa aad dadka usoo gudbiyaan, wax uu qofka horey u muujiyay inuu jecel yahay. Tusaale waxaad aad ugu xiran tahay barnaamijyada cunta karinta, waxaad saarta LIKE dadkana waad la wadaagtaa, mar walba aad soo gashid baraha bulshada waxaad arkaysaa cunta karinta kaliya. Waxa sidaas loo sameenayo waa in dareenkaaga mar walba ku xiran yahay baraha bulshada. 

Waqtiba waqtiga uu ka badan yahay ee aad ku jirtid baraha bulshada, shirkada waxay lacag ka sameenaysaa xayaysiimaha. Si kale haddii loo dhigo, adoo ku soo koobaya dareenkaaga (daawashada cunta karinta), shirkadaha waxay soo koobanayaan dareenkeena ku aadisan inay jiraan aragtiyo kale oo muhiim ah.

Marka loo eeg natiijooyinkaan, qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceya ayaa ku doodaya, in khaladku yahay qofka baraha bulshada isticmaalaya, ee ma aha shirkadaha tignoolahiyada. Dhaleeceyntoodu waxay cadaalad noqon lahayd, haddii ay jiri lahayd awood isku mid ah oo u dhaxaysa isticmaalaha iyo shirkadaha tignoolajiyadda. 

Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, shirkaduhu waxa ay na fahmeen si ka wanaagsan sida aan iyaga u fahansan nahay ama nafteena. Haddaba maxaan ka sameyn karnaa? Waxaan haysanaa labo ikhtiyaar: in aan anaga is-xakameyno, iyo in shirkadaha lala xisaabtamo. Soomaali haddaan nahay, midda dambe awoodeeda hadda ma lihin.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *