Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii lagu xiray magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Ilhaan ayaa ka qayb gashay banaabax looga soo horjeedo go’aan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka mareykanka bishii June ee sanadkaan. Maxkamada ayaa laashay in dumarka iska soo xaaqi karaan ilmaha.
Xildhibaanada ayaa baraha bulshada ku qortay iyadoo oranaysa : “Maanta waxaa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya banaabax aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka banaanka hore ee Maxkamadda. Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo awoodayda ah si aan kor ugu qaado codkeena ee ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka!”
Police caasimada mareykanka ayaa barta ay twitter ku leeyihiin ku qoray inay xireen 35 qof. Tiradaas la xiray waxaa ku jira 17 xubnood oo Congress ka ah
Pingback: Isticmaalka Tamarta Cadceeda Waxay Cawinaysa Deegaanka - 30