Shirkad Ku Bixinaysa $78,000 Cunista Nacnaca

Ka waran shaqo mushaarkeedu yahay $78,000 sanadkii?. Qofka shaqadaan codsanaya waxaa laga rabaa inuu cuno nacnac, weliba isagoo gurigiisa jooga. Shirkad Kanadiyaan ah oo nacnac sameysa, ayaa shaqaaleysiinaysa qof u noqda tijaabiyaha dhadhanka ee shirkadda. Shirkadaan oo lagu magacaabo Candy Funhouse, waxa ay rabtaa qofka shaqadaan loo qaadanayo inuu dhadhamiyo nacnacyada. Bishii waxaa laga rabaa inuu dhadhamiyo 3500 macmacaanka ay shirkadu sameyso. Waxaa kaloo laga rabaa inuu ansixiyo nacnacyada si loo iibiyo. 

Nacnaca la tijaabinayo waa mid aad u badan. Qiyaastii maalintii waxay noqonaysaa inuu 113 xabo oo nacnac ah tijaabiyo, waana ku dhawaad shan jeer in ka badan inta loogu talagalay inuu qofka ka cuno sonkorta. Shaqadaan ayaa soo codsan kara qof kasta oo 5 sano jira iyo wixii ka weyn, laguma xirayo inuu lee yahay wax qibrad ah. Mushaarka uu qofku qaadanayo waxaa u dheer caymiska ilkaha oo ay shirkadu bixinayso. 

Madaxa fulinta shirkadaan ayaa yiri “Bal qiyaas xusuustaada ugu fiican aad nacnac ka haysatid, ka dib maskaxdaada ku sawiro adoo maalin walba ku dhex jira xasuustaas”. 

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay shaqooyin noocan oo kale ah. Shirkado waaweyn ayaa raadinayay inay shaqaalaysiiyaan dad u tijaabiya adeega ayay dadka ka iibinayaan. Shirkad weyn oo caan ah oo cuntada fudud sameysa ayaa waxay iyaduna sidoo kale soo dhejisay shaqo banaan. Waxay xayaysiinaysay qof u dhadhamiya cuntada ayay iibiyaan inta aan meheradooda albaabka u firin. Sidoo kale shirkad ku taala mareekanka ayaa lacag ku bixinaysay qof daawada musalsal. Qofka shaqada soo codsada waxaa laga rabaa, in uu daawado musalsalka caanka ah ee The Simpsons. Musalsalkaan ayay ka dhex raadiyaan dhacdooyin aan weli dhicin.

Reference

https://www.businessinsider.com/candy-compnay-taste-tester-job-high-pay-canada-us-2022-8

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *