Sida Loo Noqdo Qof Dadka Soo Jiita

Waxa aan halkaan kuugu soo gudbinayaa dhowr iyo toban tallaabo, haddii aad qaadid aad noqonaysid qof ay dadku jecel yihiin. Halkaan hoose ka aqri sida loo nodqo qof dadka soo jiita.
  • Xusuusnow, sumcadda wanaagsan ee lagu dhisay muddo dheer waxay ku burburi kartaa ilbiriqsiyo gudahood. Tusaale ahaan, inaad ballamaha oofin waydo. Haddii hadalkaagu badan yahay oo u ficil iyo waxqabad la socon dadku way kaa kalsooni baxayaan, waa mida ugu xun oo kugu dhici karta, sababtoo ah dhammaan xiriirada aad dadka la leedahay waxay ku dhisan yihiin kalsooni.
  • Ballanqaad kasta oo aad samayso waa ballan naftaada aad la gashay. Haddii aad ka soo bixi waydo ballantaada, waxaad naftaada u diraysaa farriin ah “hadalkayga iyo ballantaydu wax qiimo ah kuma fadhiyaan”. Sidee la isaga ilaaliyaa?
  • Ha gelin ballan aadan kasoo bixi karin.
  • Haddii aad meel ballan ka leedahay waqtigeeda waa inaad joogtaa.
  • Erey walba aad ku hadlayso waa in ay dhab kaa tahay. Haddii aysan dhab kaa ahayn iska aamus.
  • Iska ilaali dooda, 99 boqolkiiba dooda iyo muranku wuxuu ku dhamaadaa iyadoo midba midka kale ka aaminsan yahay in isuga ka saxan yahay. Sideeda ahaan dood kuma guulaysan kartid. Sabab? Sababtoo ah haddii aad ku guulaysatid, midkii kale ee kula doodayay ayaad ka dhigtay mid kaa hooseeya. Sidoo kale ra’yigii uu aaminsanaa waxba kama aadan badelin.
  • Iska ilaali dadka kalsoonida beenta isku qaba. Waa inaad tahay qof kalsooni dhab isku qaba oo degan.
  • Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo.
  • Qiro qaladaadkaaga. Wax dhib ah ma lahan inaad qaladaad sameysid, sababtoo ah bani’aadam ayaa tahay. Jooji inaad mar walba iska aaminto inaad qof xun oo wax ma taro ah, qaladaad yar yar oo kaa dhacay dartiis. Weli ma aragtay qof ay ku adag tahay inuu qirto qaladka uu sameeyay? Ama qof mar walba qiil u sameeya qaladaadkiisa? Ama qof mar walba qaladkiisa dusha ka saara qof kale? Ma ku kalsoonaan kartaa qofkaas? Ama waqti ma la qaadan lahayd qof noocaas oo kale ah? Jawaabtu waa MAYA.
  • Haddi aad rabto inaad dadka soo jiidato, noqo qof hufan oo daacad naftiisa ka ah, ha noqon qof jirjiroole ah oo midab rogta. Dareensii dadka waxay ay kugu arkaan shaqsi ahaantaada inay tahay, qofka dhabta ah ee aad adigu tahay.
  • Dhagayste wanaagsan ahow, inaad usoo jeedid oo aad dhagaysatid qofka hadalkiisa, waxay ka tarjumaysaa inaad xiiseenaysid sheekadiisa. Waxayna sababaysaa in qofku jeclaado ag joogaaga. 
  • Jooji xanta aad dadka kale xamanaysid. Kalsoonida ay dadka kaa haystaan iyo xiriirka kaala dhaxeeya ha iska dhaawicin. Wada hadal dhab ah oo qoto dheer qofka la yeelo, ha isku dayin daldalooda uu qofkaas leeyahay inaad qof kale la wadaagto, waxaa dhici karta hadal yar aan dhib lahayn inay hadhow isku badesho hadal dhib weyn gaysan kara.
  • Weligaa xasuusnow dadka kale magacyadooda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *