Youtube aad ayuu isu badaley, waxaa laga soo tagay maalmihii muuqaalada bisadaha qosolka leh laga daawan jiray. In ka badan 1 bilyan oo saacadood oo muuqaal ah ayaa laga daawadaa YouTube maalin kasta – taasi waa in ka badan fiidiyowyada Netflix iyo Facebook oo la isku daray.
Maqaalkan, waxaad ku baran doontaa dhowr siyaabood oo aad ku samayn karto muuqaal YouTube ka ah, aan si fudud ah uga hadalno sida loo sameeyo muuqaal YouTube ah.
Qorshee Fiidiyowgaaga, kahor intaadan bilaabin duubista muuqaal waxaad u baahan tahay inaad qorsheysato waxaad rabto inaad ka hadasho.
Meel ku qoro waxa aad rabtid inaad muuqaalka uga hadashid, isku day inaad muuqaalka ka dhigto mid laxiriira soona jiidanaya daawadayaashaada.
Isku diyaari muuqaalka, haddii aad adiga muuqaalka ka soo muuqanayso, ama aad duubayso, waa muhiim inaad u diyaargarowdo oo aad ku celceliso si muuqaal fadhiya oo aad ku qanacdo kaaga so baxa.
Hagaaji muuqaalka aad duubtay iska hubi codka iyo muuqaalka inay is leeyihiin, waxaad isku daydaa inaad muuqaalka ka saartid inta dheeriga ah aadan u baahnayn. Marka muuqaalka uu noqdo mid aad ku qanacdid soo dhig barta aad youtube ku leedahay.
La wadaag Asxaabtaada.
Maqaalka midkaan ku xiga ayaan uga hadli doona sida aad daawadayaal (views) badan ku gaarsiin lahayd muuqaalka aad samaysid nala soco.
Mahadsanid