
Dabayaaqadii Noofambar 1991, waxaa jiray gabadh saddex jir ah oo laga helay xanuunka leukemia. Waxay haysatay boqolkiiba 30 fursad ay ku dhiman lahayd.
Bilihii soo socday, waxay qaadatay liis dheer oo ah dawooyinka chemotherapy ah: 6MP, asparaginase, methotrexate, prednisone, iyo vincrinstine. Mucjisadu waxay noqotay in dawooyinkaan ay daweyn karaan gabadha, laakiin ay yihiin dawo markaas la heli karo.
Buuggiisa cajiibka ah, The Emperor of All Maladies, qoraaga ahna dhakhtar, Sid Mukherjee wuxuu ku sharaxayaa taariikhda kansarka iyo sida dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu ugu dambeyntii u bilaabeen inay helayn daaweynta cudurada.
Waxaad arkaysaa, intii mudo ahayd, dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu waxay ku riyoonayeen inay helaan hal daawo oo loogu talagalay dhammaan kansarrada. Waxay raadiyeen qalliin ama daawo daweyn karta kansar kasta, laga bilaabo kansarka naasaha ilaa kansarka qanjirka ‘prostate’. Sida laga soo xigtay Mukherjee, si kastaba ha ahaatee, hormar ayaa laga gaaray markii saynisyahannadu ay joojiyeen isku dayga ah, in dhibaatooyinka oo dhan hal mar wada xalliyaan, oo ay ka dhigaann mid yar .
Horumarkii ugu horreeyay ayaa yimid markii Sidney Farber, oo hadda loo yaqaan Aabbaha Chemotherapy-ka casriga ah, uu go’aansaday inuu si gaar ah diiradda u saaro daaweynta xanuunka leukemia. Waxa uu ahaa mid ka mid ah dhakhaatiirtii ugu horeysay ee u huray dadaalkiisa kaliya hal nooc oo kansar ah, iyo isaga oo diirada saaraya, Farber wuxuu awooday inuu horumar weyn ka sameeyo xanuunka leukemia.
Ugu dambeyntii, dawooyinkii iyo daawayntii Farber ee uu ka sameeyay leukemia waxay keentay xal cusub oo loo helay kansarrada kale. Isagoo diiradda saaraya hal dhibaato oo yar (ama hal xanuun), Farber wuxuu daaha ka qaaday jawaabo (xal) loo isticmaali karo in lagu daweeyo dhibaatooyin waaweyn.
Fikirkan ah, in xalinta mashaakilaadka adag ee waaweyn inta badan lagu guulaysto, in markii hore laga bilaabay mashaakilaadka yaryar, faa’iido kaliya uma lahayn daaweynta kansarka, laakiin waxay faa’iido u leedahay guud ahaan nolosha.
Sida Loo Xaliyo Dhibaatooyinka Waaweyn
Casharka ugu weyn ee aan kor ku soo sheegnay waa mid fudud: Marka aad la kulanto dhibaato adag ama aad isku daydo inaad sameyso arin geesinimo leh, ka bilow dhibta weyn mideeda ugu yar. Si gaar ah diiradda u saar dhibaatadaas yar oo xalli. Adeegso jawaabaha ka heshid dhibtaan yar si aad u kordhiso aqoontaada dhibta weyn. Kuna celi celi.
Tusaale ahaan, Amazon. Shirkaddu waxay ku bilawday iibinta buugaagta. Markii ay fahmeen iibka internetka iyo habka buugta dadka loogu geeyo, waxay u dhaqaaqeen inay iibiyaan alaabooyin kale. Maantase, wax walba ayay iibiyaan.
Amazon way ku bilaabi karayninay isku daydo inay xalliso dhibaatadeeda ugu weyn: sidii loo maarayn lahaa ganacsiga ay maanta ku jiraan? laakiin waxay ku bilaabeen in ay diirada saaraan hal meel, oo ay ka sii balaariyeen halkaas. Marar badan ayaa la xaqiijiyay in habkan yar-ilaa-weyn uu si fiican ugu shaqeeyo ganacsiyada, waxaanan filayaa inay aad waxtar ugu yeelan karto hadafyadaada gaarka ah.
Waxaan kuu soo gudbinayaa dhawr tusaale, oo ku saabsan sida aan fikraddan u dhaqangelin karno, si aan u horumarinno xirfadaheenna xallinta dhibaatada.
Hal-abuurka. MA KUGU ADAG TAHAY: Sideen ku noqdaa qof hal-abuur badan?
Xalka yar: Haddii aad rabto inaad noqoto sawir qaade wanaagsan, meel hoose ka bilow. Baro sida sawir aad u fiican looga qaado kursi. Marka aad sawir wanaagsan ka qaadi karto kursiga, isticmaal farsamooyinka aad adeegsatay sida – iftiinka oo kale – si aad sawiro fiican uga qaado shay kasta kale.
Jimicsi samee. MA KUGU ADAG TAHAY: Sideen u bilaabi karaa jimicsi joogto ah?
Xalka yar: Haddii aadan fahmi karin xeerka jirdhiska, oo ay kugu adag tahay inaad si joogto ah u jimicsato, iska ilow jimicsiga oo dhan, waxaad isku daydaa inaad barato sida loo sameeyo hal push-up. Ka dibna tartiib u kordhi inta jeer aad sameyn karto. Ku wad halkaas jimicsi maalmo, toddobaadyo, ama bilo. Marka ay naftaada ogaato anay xallin karto dhibaatadan yar, isticmaal waxaad ka baratay, si aad u noqoto qof joogteeya jimicsiga guud ahaan.
Ugu dambeyntiina…
Soo ururinta diiraddaada (focus) waa qaab maskaxeed oo aad isticmaali karto mar kasta oo aad rabto inaad bilowdo caado cusub, ama aad sameynayso mashruuc cusub oo aad u weyn ama culus ama adag in la maareeyo. Waa miire (filter) aad ku maamuli karto mashaakilada waaweyn si aad u gaadho meel faa’iido badan leh.
Haddaba, sidee ayaad u xalin kartaa dhibaatooyinka waaweyn? Ka bilow midka yar.