
In badan baa labada waydiimood ee kore la i waydiiyay. Dadka waydiimahaas i soo waydiiyay waa dhallinyaro akhrisay wax aan qoray, gaar ahaan labada buug ee WAAYIHII WARSAME iyo XAKAME. Dhallintaasi oo malahayga u maleeyay in aan qoraa ahay si gaar gaar ah ayaan farriimo ugu jawaabay aniga oo jawaabahayga sal uga dhigay khibraddii aan helay dhawr sannadood oo aan wax xarxarriiqayay.
Sidaa daraaddeed, waxa aan jeclaystay in aan jawaabahaygi oo aan sii naaxnaaxiyay halkan idin kula wadaago, si ay uga faa’idaystay dadka aan halkan deriska ku nahay, intooda laga yaabo in ay waydiimaha kore qabaan. Balse inta aanan gudagelin jawaabaha waydiimaha aan afeef gaaban ka hormariyo.
QORAA MA AHI
Derajada qoraa ma qaadan karo ama lama siin karo qof walba oo buugaag qoray, sababtuna waa in QORAA (writer) la siin karo qofka si joogto ah wax u qora oo wax qoristu shaqo u tahay, qofkaasi ha noqdo sheeka-curiye tobannaan buug oo sheeka-faneed iyo sheeka gaaban ah qoray ama weriye wargays wax ku qora. Qoraa waa qof wax qoristu hawlmaalmeed u tahay. Aragtidan oo aan anigu in muddo ah rumaysnaa waxaa qaba Professor Cabdalla Cumar Mansuur. Qofka sidayda oo kale aysan wax qoristu shaqo u ahayn laakiin qoray buugaag la daabacay waa QORE (author) derajada qoraannimada lama siin karo ilaa wax qoristu hawlmaalmeed u noqonayso.
JAWAABTAYDA (sideen buug u qoraa)
In aad qortid buug dhan oo boqollaal bog ah ma aha shaqo fudud mana aha hawl raaxo badan. Haddii ay fududdahay ama ay wax lagu raaxaysto tahay qof walba ayaa tobannaan buug sannad walba qori lahaa. Waa hawl u baahan doonis ama rabitaan daran oo ku shidaalinaya muddana kaa dhexguuxa. Waa in aad tahay qof ku riyoonaya in uu maalin buug qoro. Waa in aad leedahay hammi iyo himilo aad ka dhabayntooda naawilaysid.
Muddo marka aad riyadaas ku jirtid waa in aad garatid in riyo aan ficil ka dambayni qarow un tahay, weligeedna aysan dhaboobi doonin. Sidaa daraaddeed, waa in aad qalinka iyo buugga isa saartid ama kombiyuutarka dul yuurarsatid oo bilowdid qorista waxii muddada fog maankaagu foolanayay. Ha is oran “bisha dambe ayaan bilaabayaa iyo sannadka xiga sug.” Ha is dhihin “ma qori karo wax dad waawayni akhrin karaa.” Taasi waa cudurdaarasho iyo dib u dhigasho.
Cudurdaarashadu waa tii murtida Ingiriisiga ahi tiri “excuses are well plan lies.” Halka qoraaga lagu magacaabo Brian Tracy uu dib u dhigashada ku tilmaamay “tuugga riyooyinka.” Sidaa aawadeed, haddii aad rabtid ka dhabaynta riyadaada bilow wax qoris. Maalin walba dhawr bog ka qor mawduuca aad rabtid in aad wax ka qortid; ama mawduuc kale oo aan ahayn kan aad buugga ka qori rabtid.
Intii aanan bilaabin wax ku qorista af Soomaaliga waxa aan isu malayn jiray in aan af Soomaaliga aqaan, far Soomaaligana si habboon u qori karo, laakiin markii aan wax qorista bilaabay baan ogaaday in aanan afka iyo fartiisa midna aqoon. Marka, walaashayey ama walaalkayow ha is oran af Soomaaliga waad garanysaa fartiisana waad qori taqaan. Bilow wax qorista adigaa wax badan ogaan doonee.
Midna ogow, Soomaalida habaqaadday ama dhalatay 1991 ka dib badankooda far qoraalka Soomaaliga iskoollada lagu ma barin sidaa darteed waxa ay ku qasban yihiin in ay ayagu isbaraan. Sida ay isku bari karaanna waa akhriska buugaagta af Soomaaliga ah ee sida hagaagsan u qoran, iyo in ayagu in badan wax qoraan.
Buug HAL-URUUR ah haddii aad qoraysid waxa aad u baahan tahay:
Dhanka kale, haddii aad buug HAL-ABUUR ah qoraysid waxa aad u baahan tahay:
BILOW QORISTA BUUGGA
1) Yeelo ama dooro goob aad wax ku qortid. Dadku isku dabeecad ma aha, qof baa meel walba oo uu joogo wax ku qori kara qofna goobo gaar ah, sida meel cidlo jabaq la’aan ah un buu wax ku qori karaa. Sidaa daraaddeed, is aqoonso dabadeedna dooro goobtaada.
2) Mar walba hayso shay (buug ama moobeel) aad fikrada kugu soo dhaca ku qorato. Marka aad buug qorista ku dhex jirto fikrado iyo aragti badan baa kugu soo dhacaya adiga oo aan joogin goobtii aad buugga ku qoraysay, ama aan haysan qalabkii aad buugga ku qoraysay, sidaa aawadeed, waa in aad haysatid meel aad fikradahaas ku qoratid.
Markii aan qorayay buugga WAAYIHII WARSAME, waxa aan xusuustaa ayada oo fikrado igu soo duxaan aniga oo shaqada jooga, dabadeedna aan moobeelka halhaleen u la soo baxo oo ku qoro. Xataa waxa aan xusuustaa habeen aniga oo hurda aan fikrad cusub ku riyooday dabadeedna intaan hurdadii ka soo booday fikraddii qortay.
3) Qoro muuqaalka guud (outline) ee sheekada sida cinwaanka, cinwaan hoosaadka, cutubyada iyo cutub hoosaadyada. Dadka qaarkood (anigu aan ku jiro) hannaankan ma adeegsadan. Laakiin dadka wax qora badankoodu hannaankan bay adeegsadaan. Marka adigu is aqoonso.
4) Si joogto ah (maalinle) u qor qoraalka buugga. Haddii aad go’aansatid qorista erayo cayiman sida 1000 maalin walbana kaba sii fiican.
5) Qabyo qoraalka koowaad ( first draft) ee buugga marka aad dhammaysid ha is oran buug baad qortay. Waayo, shaqadii buugga waxaa kuu haray 70%. Yacni qoraalka koowaadi waa bilowga hawsha baaxadda wayn ee aad dhabarka saaratay.
6) Dib u akhri waxa aad qortay adiga oo tifaftiraya. Tifaftirka waxaa ugu sahlan astaamaynta qoraalka, waxaana ugu dag dhismaha iyo tixidda jumladaha.
7) Marka aad dib u akhriska iyo tifaftirka dhammaysid, mar kale dib u akhri si dhugmo leh ama dib u akhri adiga oo indhahaagu kuwa gorgorka la mid yihiin.
8) Hadda adiga hawshaadi waa gebigebo. Waxaa la joogaa waqti aad buugga u diri lahayd qof kale oo adiga kaaga aqoon iyo khibrad badan buug qorista. Waxaa dhici karta in qofkaasi ku siiyo talooyin kuu cuntami waaya, sida in aad qoraalka qaybo ka mid ah buugga ka saartid ama dib u qortid. Qiimee taladiisa ka dib na adigu go’aan gaar. Haddii laabtaadu (qalbigu) diido talada saaxiibkaa ama aad labalabayso, waxa aan kugu la taliyanayaa in aad laabtaada aamintid oo taladeeda raacdid, waayo, ma jiro qof kaaga aqoon badan sida aad rabtid u buugaagu u ekaado iyo waxa gudihiisa ku qoran.
9) Hal mar oo kale dib u akhri, ha na hilmaamin qurxinta iyo simidda qoraalka. Haddii aadan aqoon qof yaqaan u dir ama baro. I rumayso, dib u akhriska, tifaftirka iyo qurxinta buuggu waa wareer iyo niyadjab miiran.
10) Ugu dambayn, waxaa la gaaray waqtigii buugga la daabici lahaa ee u dir madbacaddii daabici lahayd.
* Erayga HAL-URUUR ma aha ku horay loo adeegsaday, waa mid aan jeebkayga kala imid oo aan filayo in uu lid ku yahay erayga kale ee HAL-ABUUR.