
Paulo Coelho waxay ku qaadatay nuqulkiisii koowaad ee buugaan oo ku qornaa luqada Bortuqiiska labo toddobaad sanadkii 1987. Waqti intaas ka yar waa uu ku qori karay laakiin waxa uu yiri “ Mar hore ayay ruuxdaydu ku qornayd.” Maantadan la joogo, waxaa laga iibiyay in ka badan 65 milyan oo nuqul.
Waxay ku qaadatay in ka badan 315 toddobaad inuu ku jiro liiska loogu gadashada fiican yahay buugta ee New York Times. Buuggu waxa uu sidoo kale ku jiraa diiwaanka Guinness World Record ee buugta ugu turjumaan badan qoraagiisu nool yahay.
Waa kuwan 3 ka mid ah duruus dhiirrigelin iyo indho-furid ah oo aan ka baran karno buugga The Alchemist:
- Waxaad haysataa halyey shakhsiyeed oo ay tahay inaad raacdo haddii aad rabto inaad nolosha farxad ku noolaatid.
- Cabsidaadu waxay dib kuu haysaa in ka badan wax kasta oo kale.
- Si kastaba ha ahaatee, sirta noloshu waa inaad kufto todoba jeer, si aad u kacdo marka siddeedaad.
Casharka 1: Haddii aad rabto inaad gaadho hadafkaaga ugu weyn oo aad dareento dhammaystir, waa inaad raacdaa Halyeygaaga Shakhsi ahaaneed.
Sheekadu waxay ku bilaabanaysaa adhi-jire Isbaanish ah oo da’yar, oo ku riyoonaya riyo soo noq-noqonaysa. Waxa uu riyoodaa mar kasta oo uu seexdo geed hoostiisa, geedkaas oo ku yaala kaniisad horteeda. Riyada wiilku wuxuu ku dhex maqlaa ilmo yar oo ku oranaya inuu aado Ahraamta Masar si uu u raadiyo hanti.

Kadib waxa uu la kulmayaa haweeney faaliso ah si uu u ogaado macnaha riyadu, wiilku wuu yaabayaa markay ku tiraahdo waa inaad aadaa Masar. Arrintu waxay mid lala yaabo noqonaysaa, marka oday Melkisadaq la yiraahdo uu wiilka yar u sheego isla arrintii naagta faalisada ahayd wiilka yar u sheegtay.
Markan, ninku wuxuu isticmaalay ereyga “Halyeey Shakhsi ahaaneed” isagoo u sharaxaya waxa wiilka yar looga baahan yahay inuu sameeyo. Wada tashi ka dib, wiilku wuxuu go’aansaday inuu raaco Halyeygiisa Shaqsi ahaaneed oo uu u socdaalo Ahraamta. Arigiiisii ayuu iibiyay, wuxuuna socdaalkiisa ku bilaabay inuu aado Tangier.
Inta ka hadhsan buuggu, wiilku waxa uu la kulmayaa dhibaatooyin caqabado ku ah Halyeygiisii Shakhsiyeed. Laakin tillaabo kastaa waxay sii adkaysaa inuu gaaro guul.
Waxaad sidaas si la mid ah leedahay Halyeyga Shakhsi ahaaneed. Waa mid adiga gaar kuu ah. Waxaa laga yaabaa inaad horey u ogaatay waxa ay tahay, oo aad si fudud ugu baahan tahay geesinimo si aad u sii wado. Hadday tahay shaqo, qoys, caafimaad, ama hammi kale, waa inaad ka gudubtaa wax kasta oo dib kuu dhigaya si aad u gaadho riyadaada ugu weyn.
Marka aad bilowdo, caalamka oo dhan ayaa ku garab istaagaya si ay u rumowdo. Laakiin taasi macnaheedu maaha inaad dhibaato la’aan gaari doonto.
Casharka 2: Jooji cabsida haddii aad rabto in aad meesha ka saarto caqabadaha kaa hor istaagaya horumarkaaga.
Wiilku waxa uu isla markiiba imaanayaa Tangier. Dhaqanka iyo afka oo uusan ku hadli karin ayaa ka yaabinaya. Tani waxay keenaysaa in lacagtiisii uu ariga ku gatay dhammaan laga xado. Taas waxaa ka sii daran, wuxuu ka baqayaa inuu qaatay go’aan qaldan, oo wuxuu ku dhawaaday inuu dib ugu laabto Isbayn.
Laakiin waxa uu dib u xasuustay hadalladii uu ku yiri Melkisadaq, waxa uuna shaqo ka helay nin ka ganacsada quraaradaha. Ganacsadihii waxa uu wiilka joogitaankiisa u gartay inay calaamad wanaagsan tahay, wuxuuna dhegaystay taladiisa, taladaas ayaa labadooda taajiriin ka dhigtay.
Ganacsaduhu wuu garanayaa waxa uu Halyeygiisa Shakhsiyeed ay tahay, wuxuuna gartay in joogitaanka wiilka ay tahay calaamad muujinaysa inuu raaco (Personal Legend). Aad ayuu uga baqayaa inuu raaco,waxa uu dooranayaa inuu iska joogo meeshiisa. Laakiin wiilkii yaraa waxa uu lacagtiisa u isticaamaalayaa safarkiisii uu ku tagi lahaa Masar.
Waa inaad adigana sidoo kale raacdaa riyadaada, xitaa marka aad ka baqeyso waddada aad ku socota ay tahay mid aan la garanayn. Cabsidu waa waxa ugu wayn ee kaa hortaagan nolosha aad rabto, waxaad nolol fiican noolaan kartaa marka aad ka gudubto cabsidaas.
Casharka 3: Kac in ka badan intaad kufto, weligaa fashilmi meysid.
Wiilkii yaraa inta uu sii socday, waxa uu la kulmay nin Ingiriis ah oo u sheegay in uu jiro nin alchemist ah oo birta u badeli kara dahab. Labadoodii waxay ku hakadeen meel la yiraahdo Al-Faayum iyaga iyo safarkii ay la socdeen.
Inta uu halkaa joogay, wiilku waxa uu isticmaalaa awooddiisa cusub si uu u saadaaliyo weerar ka dhaci kara halka ay degayn. Arintaan waxay soo jiidanaysaa alchemist. Aakhirkii labadooduba way kulmayaan, oo ninkii (alchemist) waxa uu barre u noqonayaa wiilkii yaraa. Alchemist-ku waxa kale oo uu u barayaa muhiimada Halyeyga Shakhsiyeed.
Wixii uu ka bartay alchemist-kii, ayuu wiilku wuxuu isku badelayaa dabayl markii qabiil ka mid ah askarta Carabta ay qabteen oo ay ugu hanjabeen inay dili doonaan. Alchemist-ku wuxuu sii wadayaa inuu wax baro wiilka, laakiin ugu dambeyntii waa ay kala tagayaan ka hor inta uusan wiilka yaraa gaarin Masar.
Markii uu Masar gaadhay waxa uu bilaabay in uu qodo hantidii uu ku riyooday markii uu geedka hoos hurday, goobtii uu wax ka qodayay ayaa lagu garaacay, meeshaas ayaana lagu dhacay mar kale. Mid ka mid ah raggii garaacay ayaa u sheegay riyadiisii, in ku riyooday isagoo hanti ka qodaya geed hoostiisa oo ku yaala banaanka hore ee kaniisad ku taala Isbayn.
Wiilku waxa uu gartay calaamooyinkan oo hadda waxa uu garanayaa meesha dhabta ah ee hantidiisu taal. Waxa uu ku soo laabtay Spain si uu u tago goobta saxda ah ee uu ku riyooday riyadiisii ugu horeysay, ka dibna uu sii ambaqaado inuu fuliyo Halyeygiisa Shakhsi ahaaneed.
Buuga waxaad ka heli kartaa isagoo af ingiriis ku qoran suuqa online-ka Amazon. Ama bogga ku leenahay Telegram-ka.