Haddii aad is leedahay in kaneecadu ay ku qaniinto in ka badan dadka kale, ma khaldanid! Dhowr arrimood gaar ah ayaa sabab u ah oo soo jiidan kara kaneecada, oo ay ku jiraan kaarboon laba ogsaydh ee aad neefsato, urka iyo heerkulka jidhkaaga. Isku soo darka arrimahan waxay u badan tahay in dadka qaar ka dhigan tahay kuwo soo jiita kaneecada.
Kaarboon laba ogsaydh
Dhammaanteen waxaynu sii daynaa kaarboon laba ogsaydh markaynu neefsanayno. Waxaan sidoo kale kaarboon badan soo saarnaa marka aan soo jeedno.Kaneecadu waxay ogaan kartaa isbeddelka kaarboon laba ogsaydh ee deegaankeedda. Cilmi baaris ayaa muujisay in noocyada kaneecada ay si kala duwan uga fal celin karaan carbon laba ogsaydh-ka. Kororka kaarboon laba ogsaydhku waxay ay kaneecadu ogaysiinaysaa in goobtaas uu qof ka dhow yahay. Kaneecadu waxay markaas u dhaqaaqaysaa dhicana qofku ka jiro.
Urta jirka
Kaneecadu waxaa soo jiita isku dhisyo gaar ah (Compound) oo laga helo maqaarka bini’aadamka iyo dhididka. Iskudhisyadani waxay soo saaraan ur gaar ah oo soo jiidan kara kaneecada. Cilmi-baadhayaashu waxay wali baadhayaan sababaha kala duwan ee urka jidhka taas oo dadka qaar ka dhigaysa mid soo jiita kaneecada. Sababaha waxaa ka mid noqon kara hido sidaha (Genetics), bakteeriyada maqaarka qayb ka mid ah, ama labadaba. Haddii aad qaraabo la tahay qof ay inta badan kaneecadu qaniinto, waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale u nugushahay.
Kulaylka
Jirka qofka waxa uu soo saaraa kulayl, iyo uumi, marka kaneecadu nagu soo dhawaato waxay ogaan kartaa kulaylka iyo uumiga jirka. Tani waxay door ka qaadataa inay kaneecadu markaas qofka qaniinto. Mid ka mid ah daraasaddaha la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kaneecada ay u guurto meesha kulul ee u dhow.