Saddexda Hab ee Loo Barto Xikmada

Sirta aad maanta kaga xikmad badan tahay shalay.
saddexda hab ee loo barto xikmada

Xikmada iyo waxgarashadu waxay kaa caawinayaan inaad kala garato wanaaga iyo xumaanta. Aqoonta kaligeed kuguma filna, laakiin adeegsiga aqoonta saxda ah ayaa wax wayn ka badeli karta noloshaada. Inaad xikmad leedahay kuma koobna waxa aad taqaan, xikmada waa habka iyo goorta aad adeegsato macluumaad sax ah si aad u xalliso dhibaato markaas taagan. Inaad qof xikmad u saaxiib ah noqotid, waa hab-raac qiimo leh oo kaa caawin kara horumarinta aqoonta naftaada iyo tan dunidaba.

Marka aad qof xikmad leh tahay, waxaad qaadanaysaa go’aano wax ku ool ah oo si taxadar leh uga fiirsatay, iyo inaad doorato tallaabooyinkaaga xiga ee nolosha si aad nolol macno leh ugu noolaato. Isku day inaad heshid xikmad iyo waxgarasho, guusha nolosha ku xidhan. Su’aasha meesha taal ayaa ah, sidee ku heli karta xigmadda saxda ah ee nolosha?. Faylasuuf jeenis ah yiri “Marka hore naftaada milicso, oo naftaada dib ugu noqo. Habka labaad ku dayasho samee, oo wax ka baro dadkii hore. Marka saddexaad, yeelo waayo-aragnimo, waana midda ugu qaraar. 

  • Kow: Milicsiga.

“Anagoo indha xiran ayaan iska soconaa, inagoo waxba ka fiirsan ayaan cawaaqib xumo la kulannaa  aan wax faa’ido ah lahayn”. Inaad heshid xikmad adigoo naftaada dib u milicsanaya waxay la macno tahay, inaad ka fikirto fikirkaaga iyo inaad ka fikirto aqoontaada. Waxa kale oo ay la macno tahay in aad si qoto dheer naftaada uga fikirto. Markaad barato in aad naftaada milicsato, waxaad helaysaa waqti aad kaga fikirto waxa noloshaada ka jira. Markaad naftaada dib u milicsato waxaad helaysaa awood aad si fiican ugu fikirto, go’aan fiican ku qaadato iyo in aad si taxadar leh uga fiirsato tallaabada xigta. 

  • Labo: Habka ku dayashada.

“Khaladaadka dadka inta aad awoodo ka baro, sababtoo waxay ka caawinaysaa in aadan adigu samayn qaladaadkas mid la mid ah”. Ka barashada dadka caqliga u saaxiibka ah, waa arin qiimo leh. Waxaad u baahanaysaa inaad adeegsato dadkii hore waxay adeegsadeen. Waxaad xikmada ku gaari kartaa, adoo ka barta khubarada, dadka caqliga leh iyo ragii maskaxda lahaa waxay ogaadeen. Akhri buugaagtooda, qoraaladooda, maqaaladooda, waraysigoodii iyo taariikh nololeedkooda. 

  • Saddex: Waayo-aragnimo.

Ujeedada noloshu waa in la noolaado, si loo dhadhamiyo waayo-aragnimada ugu badan, in la gaadho hamuun iyo cabsi la’aan waayo-aragnimo cusub iyo mid qani ah. “Dhaawacyadaadii xikmad ku badal” waa hab xanuun badan, Oprah Winfrey ayaa tiri .Waa inaad ogolaataa in aad ka baxdid aagga raaxada aad hadda ku jirtid.  Waayo-aragnimo kasta oo nolosha ah, waa fursad lagu barto waxa aad hadda iyo mustaqbalka qaban karto. Qofka waayo-aragnimada leh waa qof wax qabad leh, kaliya aqoonta ma akhriyaan mana uruuriyaan, waxay ku dhaqaaqaan wixii ay yaqaaniin. 

“Ha baran oo kaliya, dareen (waayo-aragnimada),” ayuu yiri Roy T. Bennett. Waxa kale oo uu yidhi, “Waxyaabaha qaarkood qofka lama bari karo; waa in aad khibrad u leedahay. Weligaa ma baranaysid casharrada ugu qiimaha badan ee nolosha, ilaa aad ku dhaqaaqdo safarkaaga gaarka ah.” Waayo-aragnimadu waxay ku bari kartaa in ka badan inta aad buug ka akhrin karto, kamana marna guul darro iyo dhibaato. Laakiin waad ku faani doontaa inaad tillaabo horey u qaaday.

Barasha xikmada waa geedi socod. Waxaad isticmaali kartaa dhammaan saddexdaan hab; wax ka baro dadka kale, wax ku qabso inta aad taqaan, hana illaawin inaad dib u milicsato aqoonta aad ururisay. Habkaan isku dhafan ayaa faa’iido leh, guusha fogna ay ku xiran tahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *